Subscribe

DAAWO: Al-Shabaab Oo Shaacisay Xogta Ninkii Isku Qarxiyey Otto Otto

Afrikada, Muqdisho: Al Shabaab ayaa baahisay wareysi lala yeeshay nin ka mid ahaa raggii fuliyay weerarkii isqarxinta ku bilowday ee lagu qaaday 7-dii bishan xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga.

Ninkaan ayaa inta uusan hawlgalkan ku dhaqaaqin wareysi laga duubay ku sheegay inuu isku qarxinayo laynta waxa uu ugu yeeray murtadiin, intaasi kadibna uu ugu dhawaanayo Alle.

Cali Ibraahim Macalim Aadan (Cali Dheere) oo 31 sano jir ahaa muddo badana ka tirsan ururka Al Shabaab, gaar ahaan qaybta isqarxinta ku qornaa ugu dambeyna sidaasi ku dhintay.

Shabaab warbaahintooda oo lagu magacaabo Idaacadda Al Andulus ayaa waxa ay sheegtay ninkan inuu ka soo jeeday Beesha Hadame, ee degta degaanada Koonfur Galbeed, kana mid ahaa dagaalamayaasha Shabaab.

Cali Ibraahim Macalim Aadan oo loo yaqaano (Cali Dheere) ayaa waalidiintii dhalay wuxuu u diray fariin ah inay ogaadaan inuu ka mid ahaa raggii fuliyay weerarkii Otto Otto.

Shabaab ayaa inta badan lagu yaqaanaa in ay soo bandhigaan codadka ay ka duubaan ragga Ismiidaaminta ka fuliya dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, iyaga oo wareysiyada ay bixinayaan ku sheega in ay wado saxan ku dhimanayaan.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Dowladda Oo Ciidamo Wata Gaadiidka Dagaalka U Dirtay Gobolka Shabeellada Dhexe
- Aug 16, 2018
Afrikada, Shabeellooyinka:   Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo Xooggan iyo Dabaabaadka Dagaalka u daabushay ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 15/08/2018
- Aug 16, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
%d bloggers like this: