10-ka Hogaamiye Ee Ugu Taajirsan Afrika+Iyo Sida ay ku heleen Balaayiin doolar | Afrikada

10-ka Hogaamiye Ee Ugu Taajirsan Afrika+Iyo Sida ay ku heleen Balaayiin doolar

Afrikada, Qaaradda Afrika: Afrika waa qaaradda labaad ee ugu wayn dunida, hadana waan qaaradda labaad ee dunida ugu dadka badan, sidoo kale waa qaaradda ugu kheyraadka badan oo wali kheyraadkeedu dihinyahayay marka loo eego qaaradaha aduunka, misana waa qaaradda dadkeedu ugu faqiirsanyihiin caalamka.

Qaaraddaan ayaa waxaa ragaadiyay oo caalamka intiisa kale ka reebay dhibaatooyin badan oo ay kamid yihiin, kaligood taliyayaal aan xilka ka dagin inay kadhintaan ama laga fara maroojiyo mooyee, waxaana hada jira qaar kamida wadamada Afrika oo ay Hogaamiyaashoodu waqti badan ama in mudaaba sidii boqortooyadii oo kale iska xukumayaan, iska haystaan amaba iska maamulayaan, hadana dhanka kale dhibaatooyinka dadkooda haysata sida: gaajada, maamul xumada iyo horumar la’aanta ka indha xiran oo aan ka danqanayn balse taa badalkeeda ayaga iyo reerahoodu ay hanti ka tabcadeen.

Waxaan halkaan idiin kusoo bandhigayaa qaar kamida madaxda hantida bilaa xadka ah ka tabcaday wadamada ay maamulaan, iyadoo dhanka kale dadkoodu gaajo iyo baahi ku dhamaadeen, Hadaba waxay iskugu jiraan Madaxdaan: qaar ka mida kuwa waqtiyada badan iska xukumayay wadamadooda walina ayagu maamula iyo kuwo kale oo waqti kooban talada hayay balse aad ushaqaystay, waxaana lagu tilmaamaa madaxda caynkaas ah, Hogaamiyaasha sida aan xalaasha aheyn ee musuqmaasuqa iyo cadaalad darrada ku Taajiray “Leaders with Ill-gotten wealth”.

Hadaba majaladani Afrikada.com ayaa kuu soo diyaarisay hogaamiyeyaasha ugu taajirsan Afrika, ee balaayiinta doolar heysta, kuwo tegay iyo kuwo weli nool oo sutida u haya wadammadooda:

 

READ MORE:  DHAGEYSO:-Jahwareerka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Madaxda Dowlada.

-1-

Jose Eduardo Dos Santos

(Hogaamiyihii Angola)

Waxa uu Angola hogaaminayey laga soo bilaabo sanadihii 1979-ii ilaa sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2017-dii.

 

 

Waa madaxwaynaha wadanka Angola

Waxa uu talada hayey 34 Sano.

Waxa uu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $20 Bilyan.


Jose Eduardo Dos Santos waa madaxwaynihii wadanka Angola ee talada ka degay sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2017-kii, hantida uu gaarka uleeyahay waxaa lagu qiyaasaa in kabadan “$20 Billion”Labaatan Bilyanoo doolar, sidoo kale gabadha uu dhalay Madaxwaynuhu ee magaceeda ladhaho “Isabel Dos Santos” Iyana waa Bilyaneerad, waxayna haysataa lacag celcelis ahaan dhan “$3.8 Billion” Saddex Bilyan iyo sideed boqol oo milyan oo doolar. Haatan gabadhaasi waa gabadha haweenka Afrikoo dhan ugu taajirsan, sidoo kale waa gabadha haweenka madow oo dhan ugu qanisan amaba ugu lacagta badan.
Dhanka kale Madaxwaynaha hantidaas xad dhaafka ah leh, dadka wadankiisa ku nool 70% Boqolkiiba todobaatan waxay maalintii ku noolyahiin wax ka yar laba doolar.
Waxaa jira misna wiil kale oo uu madaxweynaha dhalay oo lagu magacaabo Eduane Danilo dos Santos, kaasi oo diiradda warbaahinta Angola soo fuuley bishii May ka dib markii uu carwo xaraash ah ka iibsaday saacad qiimaheedu ahaa $587,000 doolar.

Carwada xaraashka oo ahayd mid samofal loogu talogalay ayaa waxaa hormuud ka ahaa atooraha caanka ah ee Maraykanka Will Smith kaasi oo la duubey isaga oo layaaban lacagta uu wiilka yar bixiyey.

<<NEXT>>

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->