DHAGEYSO: Jeel-Ogaadeen Oo dad badan laga sii daayey | Afrikada

DHAGEYSO: Jeel-Ogaadeen Oo dad badan laga sii daayey

Afrikada, Muqdisho: Magaalada Jigjiga ayaa laga soo sheegayaa in xabsiga weyn ee Jeel-Ogaadeen waxaa laga sii daayey dad fara badan.

Ciqaab noocee ah ayaa lagala kulmaa Jeel-Ogaadeen?

Maxaabiis aad u fara badan oo ay ku jiraan dad hore u ahaa siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan booliiska ayaa la soo sheegayaa in laga sii daayey jeelka loona fidiyey cafis.

Xabsigan dhexdiisa ayaa dadka si xun loogu jirdili jirey, ilaa haatana waxaa ka jirta bani’aadanimo xumo.

Wararka jeelkani ka imaanaya ayaa sheegaya in marka uu gabalka dhaco qofka lagu bilaabayo qiimeyn. Waxaa qiimeynta isku sameeya maxaabiista dhexdooda, warbixintana waxaa subixii loo gudbiyaa ilaalada. Ciqaabtu waxa ay u badan tahay hadba sida aad u qiran weydo dembiga.

 

HALKA HOOSE KA DAAWO:

“Habeen kasta waxaan maqli jiray ayagoo maxaabiis garaacaya. Cabaad badan ayaan maqlay. Marka subixii la gaaro ee ay maxaabiista quraacanayaan ayay si hoose isugu sheegi jireen kuwa habeenkaasi lala baxay: ‘Hebel xalay ayuu jirdil u dhintay, heblo xalay ayaa la kufsaday, ama la garaacay.’ Subax kasta waxaan eegi jirnay liiska kuwa dhintay ama kuwa aan ku laaban qolalkooda. Waxaan ku nooleyn cabsi joogta ah oo ku aaddan waxa dhici doono.” ayuu yiri qof magaciisa dalbaday in aan la sheegin.
 
HALKA HOOSE KA DAAWO:

READ MORE:  Dab ka Holcaya Giriigga iyo Tirada Dhimashada Oo kor U sii kacaysa

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->