Dowladda Sacuudiga Oo kaalmo u Qeybisay Qaxootiga Kaakuma | Afrikada

Dowladda Sacuudiga Oo kaalmo u Qeybisay Qaxootiga Kaakuma

Dowladda wadanka Sacuudiga ayaa bixisay 120 ton oo cunto gargaar ah. Cuntadani ayaa boqortooyadu geysay xerada Qaxootiga Kakuma iyo xerada kale ee Dhadhaab.

Cuntadani gargaarka ah ayaa boqortooyada wadanka Sacuudi Caraabiya waxa ay soo marsiisay safaaradda weyn ee ay ku leeyihiin gudaha dalka Kenya, iyada oo soo wakiilatay hey’adda barnaamijka cuntada adduunka ee WFP.

Wakiilka ku xigeenka WFP ee dalka Kenya Brenda Behan ayaa ku booriyay wadammmada kale ee adduunka in ay ku daydaan kaalmada sidaan oo kale la gaarsiinayo dadka barakacayaasha ah ee u baahan cuntooyinka gargaarka ah, isla markaasina ay ka caawiyaan dadyowga xeryaha ku nool in ay guryahii wadankoodii ku laabtaan, oo taas garab lagu siiyo dadkaasi.

Cuntada loo keenay hey’adda WFP ayaa la sheegay in ay caawinaad weyn ka geysan doonto sidii looga samata bixi lahaa mashaakilka cunto ee xeryahaasi ka jirey, taasi oo hey’ado badan ay cuntada dhulka soo marsiin waayeen arrimo dhanka amniga la xiriira awgood.

READ MORE:  DEG DEG:Dagaal Culus Oo ka Bilowday TUKARAQ+Somaliland Oo ka baxday Heshiiskii ku saabsanaa..?

Safaaradda Sacuudiga qeybteeda qaabilsan barnaamijyada ayaa sheegtay in kaalmadan ay ka socoto Xarunta bani’adaanimada iyo gargaarka ee Boqor Salmaan looguna talo galay in lagu caawiyo qaxootiga in ay helaan cunto iyadoo loo soo marsiinayo hey’adda WFP.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Xukuumadda Xasan Kheyre Oo kala boobeysa LACAGIHII DEEQDA SOOMAALIYA Guddiga La Socodka MAALIYADDA oo QEYLO-DHAAMINAYA?
- Nov 19, 2018
Afrikada, Muqdisho: arbixin rasmi ah oo ay soo saareen Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka Baarlamaanka ...
DEG DEG: Jubaland Oo Tiirka Geysay Askari dil u geystay Oday nabaddoon ahaa..
- Nov 19, 2018
Afrikada, Jubaland:  MIsmaamulka Jubaland ayaa maanta dil ku fuliyey nin lagu magacaabo Cabdirizaaq Cumar C/llaahi. Ninka ...
DEG DEG: Kooxo hubeysan oo caawa DIL NAXDIN LEH ka Geystay magaalada Muqdisho
- Nov 18, 2018
Wararka inaga soo gaaraya bartamaha suuqa bakaaraha ayaa sheegaya in caawa fiidkii bacdal salaatul ...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Oo ku sii jeeda Jubaland + Safarro uu ku mari doono dalka oo dhan?
- Nov 18, 2018
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Xisbiga UPD Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ...
DAAWO SAWIRADA: Dagaalamayaasha Al-Shabaab Oo Si Xoog ah Xoolo uga aruuriyey degaannada Galgaduud?
- Nov 18, 2018
Afrikada, Galmudug: Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee ismaamulka Galmudug ayaa sheegaya in kooxaha ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->