DEG DEG: 14 Sarkaal Oo loo Xiray Qaraxyadii Muqdisho

Afrikada, Muqdisho: Ilo xog ah oo soo xiganaya saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah Ee magaalada Muqdisho in ilaa 14 sarkaal loo xiray weerarkii qaraxa ku bilowday ee Shabaab ay ku qaadeen Sabtidii xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga, halkaasi oo ay ku naf waayeen dad ku dhaw 15 qof.

Saraakiishan oo isugu jira Boolis iyo Nabad Sugid ayaa xarigooda wuxuu ka dambeeyay kadib markii shalay gelinkii dambe ay kulan deg deg ah Guddiga amniga ku yeesheen Muqdisho, kaasi oo uu shir guddoominayay Wasiirka amniga.

Amarka lagu xiray Saraakiishan oo Taliyeyaal ka ahaa Baraha Kontorool ee ku teetsan wadada Maka Al-mukarama ayaa waxaa la sheegay inay bixiyeen Madaxda Qaranka gaar ahaan Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle).

Xubnahan oo hada ku xiran mid ka mid ah xarumaha baarista ee ciidanka dowladda ayaa waxaa lagu tuhunsan yahay qaarkood inay wax ka ogaayeen weerarkan, waxaana su’aalo laga weydiinayaa qaabka uu weerarka u dhacay iyo sababta ka dambeysay in gaariga qarxay iyo ragga hubeysan ay soo dhaafaan baraha kontorool.

READ MORE:  Duqeymo Cirka ah Oo ka dhacay Hareeri Tuur iyo Gadoon-Dhowe

Inta badan ma dhacdo marka ay wax dhacaan in masuul shaqadiisa gudan waaya uu is casilo ama xilalkooda ay waayaan saraakiil ciidan, balse keliya waxaa la maqlaa baaris ay socota, cidii ka dambeysay talaabo ayaa laga qaadaa iyo ereyo kale oo Lagu maaweeliyo shacabka.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Hay’adaheeda ammaanka ayaa lagu dhaliilay inay waji gabax ku tahay in iyada oo wadooyinka ay xiran yihiin shacabkana loo diiday inay maraan meelaha qaar, hadana Shabaab hubeysan ay weeraraan xarumo dowladeed oo si aad ah loo ilaaliyo, waliba ay in muddo ah ka dagaalamaan.

DHAGEYSO: C/raxmaan Yariisow Oo Si Xun U Calaacalay, “Dowlad Goboleedyadow Waa Idin Baryeynaa Ee sida ka Daaya..?”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Yariisow oo ka mid ah Guddiga ...
Doodii Baarlamaanka: “R/W Kheyroow DEG DEG Isku Casil Sababtoo ah Eey annagu Dooni Meyno”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Mudanayaasha baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo dood xasaasi ah ka yeeshay Amniga dalka, ayaa ...
DHAGEYSO: Nin si xun Loogu dilay Xaafada Suuqa Xoolaha
- Sep 17, 2018
AFrikada, Muqdisho: Nin da' ah ayaa waxaa maanta lagu dilay xaafada Suuqa Xoolaha ee ...
Magaalo ku taal Mareykanka Oo Duufaanno go’doomiyeen
- Sep 17, 2018
Afrikada, USA: Waxaa duufaanno darani ka soconayaan wadanka Mareykanka gobollo ka mid ah waxaana ...
Shirkii Loo Balansanaa La dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish Oo Baaqday Iyo Mas’uuliyiin Muhiim ah Oo HURDADA ka soo kici waayey?
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maanta oo Isniin ah kuna beegan 17/9/2018 ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ...
%d bloggers like this: