Madaxweynaha Switzerland Oo booqan doona xerada Qaxootiga Kakuma

Madaxweynaha wadanka Switzerland m/weyne Alain Berset ayaa wadanka Kenya ku tagaya booqasho uu sidoo kale ku tegi doono xerada qaxootiga Kakuma.

Madaxweyne Berset ayaa booqashadani 3-da beri ah uga gol leh in uu soo indho indheeyo mashaariic ay dowladdiisu ka fuliso wadanka Kenya iyo sidoo kale in uu soo xaqiiqsado xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira xerada qaxootiga Kaakuma halkaasi oo hey’ado kala duwan oo Siwss ah ay fadhiyaan.

Mr Berset waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo kula shiri doona aqalka madaxtooyada ee caasimadda Nairobi, beri waxaa ay u qorsheysan in ay ka doodaan xaaladaha dhaqan dhaqaale iyadoo labada hogaamiye ay xusi doonaan xiriirka soo jireenka ah ee labada wadan ka dhexeeya.

Safiirka Szitzerland u fadhiya wadankaasi Kenya ambassaodor Ralf Heckner ayaa sheegay in madaxweynuhu u duuli doono
xerada qaxootiga Kaakuma ee ku taal gobolka Turkana maalinta Talaadada ah, si uu u soo indho indheeyo iskuulaadka xeradaasi iyo mashaariic kale oo bani’aadanimo oo Swiss-ku ka fuliyaan xerada.

Kaakuma ayaa waxaa ku jira kumanaan qoys oo Soomaali ah.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Oromada Oo hareeraysay 200 Qof Soomaali ah+Soomaalida Oo U Qaxeysa dhanka saldhigyada milleteriga Itoobiya
- Jul 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:  200 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku xayiran degaanka Guji oo ...
AKHRISO: Askari Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Nin shacab ah U dilay Wax ka yar “HAL DOOLAR”
- Jul 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Nin hubeysan oo ku labisnaa dharka ciidamada dowladda ayaa dil ka geystay ...
Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo Wakiilka UN-ka Oo gaaray Gaalkacyo SAWIRRO
- Jul 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:    Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo uu ...
DEG DEG: Wariyeyaasha oo looga yeeray Xarunta Taliska Ciidamada…
- Jul 22, 2018
Afrikada, Garoowe:    Wararka anu ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa ...
DAAWO: Qiso Naxdin iyo Murugo leh: Mayd Nin Nool Dilay Sheeko Cibro Qaadasho leh
- Jul 22, 2018
QISO: Dhacdadani waxay ka dhacday degaanka Janaale ee Soomaaliya, nin wargaleen ah oo dhawr ...
%d bloggers like this: