DEG DEG: R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Oo ka degay Asmara, Eritrea

Afrikada, Asmara: Wararka inaga soo gaaraya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed uu booqasho ku tegay wadanka Eritrea.

Eritrea ayaa xorriyadeeda ka qaadatay Itoobiya sannadkii 1993-kii ka dib 30 sannadood oo dagaal ay kula jirtay, waxaana qaadashada xorriyadda markii ay ka soo wareegatay 5 sano isbedel ku yimid xiriirkaasi iyaga oo ku dagaalamay magaalada Badhame ee xadka labada dal u dhexeeya,

Waxaa halkaasi ka dhacay mid ka mid ah dagaallada lagu hoobtay ee Afrika iyada oo labada dhinac si xun isugu soo daabuleen ciidammadooda milleteriga.

Dagaalka WEritrea iyo Itoobiya ayaa bilowday sanadku markuu ahaa 1998-kii waxaana uu soconayey muddo dhan 2 sano, islamarkana labadaba wax xiriir ah malahayn tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyay.

Imaanshiyaha uu talada Itoobiya la wareegay ra’iisl wasaare cusub oo ka soo jeeda bulshada Oromada  Itoobiya ayaa waxaa uu Abiy Ahmed soo hindisay in uu wax ka bedelo nidaamka maamulka dalkaasi Itoobiya isaga oo balanqaaday in uu isbedello waaweyn ku dhaqaaqi doono.

Itoobiya ayaa haatan waxaa ka soconaya mashaariic ay wadaan dowladaha waaweyn ee caalamka, iyadoo maalgashiyo badan ay ku sameysteen Shiinaha iyo Turkiga. Sidoo kale waxaan meesha ka marneyn Imaaraadka Carabta oo isagu ka shaqeeyay isku soo dhoweynta labada xukuumadood.

SAWIRADA:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Oromada Oo hareeraysay 200 Qof Soomaali ah+Soomaalida Oo U Qaxeysa dhanka saldhigyada milleteriga Itoobiya
- Jul 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:  200 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku xayiran degaanka Guji oo ...
AKHRISO: Askari Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Nin shacab ah U dilay Wax ka yar “HAL DOOLAR”
- Jul 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Nin hubeysan oo ku labisnaa dharka ciidamada dowladda ayaa dil ka geystay ...
Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo Wakiilka UN-ka Oo gaaray Gaalkacyo SAWIRRO
- Jul 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:    Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo uu ...
DEG DEG: Wariyeyaasha oo looga yeeray Xarunta Taliska Ciidamada…
- Jul 22, 2018
Afrikada, Garoowe:    Wararka anu ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa ...
DAAWO: Qiso Naxdin iyo Murugo leh: Mayd Nin Nool Dilay Sheeko Cibro Qaadasho leh
- Jul 22, 2018
QISO: Dhacdadani waxay ka dhacday degaanka Janaale ee Soomaaliya, nin wargaleen ah oo dhawr ...
%d bloggers like this: