Subscribe

AKHRISO: Sidee ayey Shabakadda AFRIKADA Ku Qiyaastay In Al-Shabaab ay Weerari Doonaan Hoteel ama Dhismeyaal???

Afrikada, Muqdisho: Majaladda Afrikada ayaa qiyaastay in hoteellada Muqdisho ay yihiin kuwo khatar ku jira inta ay dowladda isku soo dhiibayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab isla markaasina cafis loo fidinayo iyadoo lagu sii dhex daynayo bulshada.

Waxaa kale oo aan hore u sheegnay in saraakiisha amniga dhexdooda ay ku jiraan saraakiil wadashaqeyn joogto ah la leh kooxaha argagixisada iyadoo sidoo kale ciidammada ajnabiga ee dalka Joogana xiriir hoose lala leeyahay, gaar ahaan kuwa jooga jubbooyinka. Gobolka Banaadir marka laga hadlo waxaa gobolku looga yimaadaa banaanka waxaana si aan ay maleeshiyaadku asalkooda lagu soo tashkiiliyaa G/Banaadir banaankiisa, waxaana ay soo galaan magaalada iyaga oo wata hal feker oo qur ah: “Dhimasho” ama iyaga haku dhacdo ama in ay dadka kale dilaan.

Hoos Riix oo ka akhri maqaalkii aynu kaga faaloonay khatar soo socotay:

DAAWO SAWIRADA: Al-Shabaab Oo Soo dirtay Raggii Hoteellada Geli lahaa.. Xasbuna Allaah+ Ilaahow Magantaa!!

Kadib markii dhowaan gobollada dalka qaarkood lagu soo bandhigay rag kumaandoos ah oo la sheegay in ay ka soo goosteen Al-Shabaab ayaa raggaasi iyo kuwa kale oo badanba waxa ay raajicinayaan waqtiga xaadirka ah in ay QARAXYO culus fuliyaan, raggani ayaan magaalooyinka ciyaar ku soo gaarin waxaana ay iska soo dhigaan dad isa soo dhiibaya oo kale, si ay u wiideystaan una kala bartaan waxa cusub iyo wixii ay hore u yaqaaneen.

READ  Prof: Dalxa: "Farmaajo Waxaa uu galay arrimaha Kanada iyo Sacuudiga, Waana ay Waalatay Dowladdiisa Kadib Guuldarooyin is xig xiga?"

Saraakiisha amniga hore ayey u sheegeen in wax soo socdaan:

Saraakiisha Hay’adaha amaanka ayaa sheegay inay sii hayeen xogta weerarka hase yeeshee aanu jirin xili rasmi ah oo la filan karay weerarka.

Ciidamada amaanka ayaa ku dhawaad Seddex bil ku jiray heegan si looga hortago Qaraxyada iyo dilalka ay qorsheynayaan maleeshiyaadka Al­Shabaab, hase yeeshaa weerarada ayaa inta badan dhaca xiliyada kala wareega ciidamada amaanka.

Dhinaca kale, Hay’adaha amaanka ayaa wada baaritaan lagu xaqiijinaayo weerarka oo u muuqda mid la hagaayay.

Gaariga labaad ayaa la xaqiijiyay inuu kasoo baqoolay Degmada Howlwadaag, sida ay xogta sheegeyso waxaa gaarigaasi waday dhagarqabe da’diisa lagu sheegay ilaa 25 jir.

Saraakiisha Hay’adaha amaanka ayaa sheegay inay sii hayeen xogta weerarka hase yeeshee aanu jirin xili rasmi ah oo la filankaray weerarka.

Ciidamada amaanka ayaa ku dhawaad Seddex bil ku jiray heegan si looga hortago Qaraxyada iyo dilalka ay qorsheynayaan maleeshiyaadka Al­Shabaab, hase yeeshaa weerarada ayaa inta badan dhaca xiliyada kala wareega ciidamada amaanka.

READ  RW Kheyre Oo amray in AMISOM laga saaro Garoonka...

Dhinaca kale, Hay’adaha amaanka ayaa wada baaritaan lagu xaqiijinaayo weerarka oo u muuqda mid la hagaayay.

Dowladdu waxba kama qaban karto maamul goboleedyada dalka qaarkood oo fashilinayo dowladda dhexe iyaga oo magaalada Muqdisho isaga soo fogeynaya xag-jiriinta ay dagaallada ku qabtaan, kuwaasi oo leh ajendo u gaar ah.

Waxaa dhinaca kale dhallinyarada isa soo dhiibeysa ay yihiin kuwo musiibo ku talo gal ah wata.

Si kastaba, ku dhawaad 15 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen laba qarax oo shalay lagu weeraray Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Soomaaliya.

Labada qarrax oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa lala beegsaday dhismaha Otto Otto ee magaalada Muqdisho oo xarun u ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Amniga iyo Ciidanka booliska Taraafikada ee loo yaqaano Otto Otto.

HALKA HOOSE KA DAAWO:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Dowladda Oo Ciidamo Wata Gaadiidka Dagaalka U Dirtay Gobolka Shabeellada Dhexe
- Aug 16, 2018
Afrikada, Shabeellooyinka:   Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo Xooggan iyo Dabaabaadka Dagaalka u daabushay ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 15/08/2018
- Aug 16, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
%d bloggers like this: