Farmaajo Oo ka qeybgalay shirka madasha Afrika iyo Shiinaha

Afrikada, Jabuuti: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dalka Jabuuti kaga qayb galaya shirka madasha Afrika iyo Shiinaha oo socon doona maanta oo Khamiis ah ilaa iyo maalinta Sabtida.

Shirkan oo diiradda lagu saarayo hirgalinta ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo waliba hirgalinta hiigsiga 2030 ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ah madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al Bashiir, ra’iisul wasaraaha Itoobiya, Abay Ahme, madaxweynaha dalka Rwanda iyo hogaamiyaha midowga Afrika.

Farmaajo ayaa sidoo kale maanta ka qayb galay xaflad lagu xarigga looga jarayay deegaanka ganacsiga xorta ah ee canshuurta ka caagan oo laga hirgaliyay dalkaasi Jabuuti.

Safarka waxaa Farmaajo ku weheliyay wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, wasiirka maaliyadda iyo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, wasiiru dawlaha gaashaandhigga iyo lataliyihiisa arimaha dibadda.

READ MORE:  DHAGEYSO: Nin si xun Loogu dilay Xaafada Suuqa Xoolaha

<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Dowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay Sababta Bulshada ay Garsoor Ugu Doontaan Al-Shabaab?
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta keentay in inta ...
Qalbi-dhagax oo ka warramay safarkiisa Hargeysa (Sawirro)
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaa maanta oo Talaado ah gaaray Cabdikariin ...
DAAWO: Qalbi-Dhagax iyo Aadan Barre oo ku kulmay Nairobi
- Sep 24, 2018
Afrikada, Nairobi: Xildhibaanka laga soo doorto caasimadda gobolka Waqooyi Bari ee Gaarisa mudane ...
10 Al-Shabaab ah Oo lagu dilay degmada Pandanguo, ee Lamu, Kenya
- Sep 24, 2018
Ciidammada Difaaca Kenya ayaa sheegaya in ay dileen tiro ka badan 10 maleeshiyaadka Al-Shabaab ...
DHAGEYSO: Xildhibaano doonaya in ay siidayaan Dadkii gubay Marxuum Axmed dowlo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday ...
%d bloggers like this: