Subscribe

DHAGEYSO: Saraakiil Ajnabi ah Oo ka mid ahaa maleeshiyaad ku dhintay dagaalkii Xagar-Dheere

Afrikada, Xarardheere: War ka soo baxay maleeshiyaadka dadka deegaanka ee ka gadooday amar hogaanka Al shabaab ay kusoo rogen shacabka ku dhaqan deegaanada Xarakada gacanta ay kaga hayaan koofurta gobalka Mudug ayaa guulo looga sheegtay dagaaladii halkaasi ay kula galeen ciidanka Xarakada Al shabaab.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadaha u sheegay dagaalkii ka dhacay shalay halkaasi in lagu gubay laba gaari oo nuuca dagaalka ah, sidoo kale in lagu dilay weerarka saraakiil cadaan ah oo hogaaminayay dagaalka u dhaxeeya maleeshiyaadka dadka deegaanka iyo ciidamada Al-Shabaab.

Ma jirto cid ka madax banaan maleeshiyaadka oo xaqiiji karta in weerarka lagu dilay saraakiil cadaan ahaa oo ka qeyb qaadanayay dagaalka sadaxda maalin ka soconaya duleedka Magaalada Xaradheere.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u garab istaagi laheyd maleeshiyaadka deegaanka ee la dagaalamaya xoogaga Al shabaab ee ka howlgala deegaanada iyo degmooyinka gobalka Mudug.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in deegaanadii lagu dagaalamay intooda badan gacanta ay ku hayaan Al shabaab dhanka Caad iyo Maamiyo ayaa la sheegay iney difaac ugu kala jiraan maleeshiyada deegaanka ee la dagaalamaya Xarakada Al shabaab.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Dowladda Oo Ciidamo Wata Gaadiidka Dagaalka U Dirtay Gobolka Shabeellada Dhexe
- Aug 16, 2018
Afrikada, Shabeellooyinka:   Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo Xooggan iyo Dabaabaadka Dagaalka u daabushay ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 15/08/2018
- Aug 16, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
%d bloggers like this: