M/Weynaha Soomaaliya Oo u duulay Jamhuuriyadda Jabuuti (SAWIRADA) | Afrikada

M/Weynaha Soomaaliya Oo u duulay Jamhuuriyadda Jabuuti (SAWIRADA)

Afrikada, Jabuuti: Madaxweyne Farmaajo ayaa ku sugan wadanka Jabuuti halkaasi oo uu uga qeybgalayo shir soconaya muddo ilaa hal asbuuc gaareysa.

Waxaa Jabuuti ka furmaya shir looga wada hadlayo hirgelinta ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika, xoojinta maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta hiigsiga horumarineed ee 2030-ka ee ajendaha caalamiga ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Madaxweynaha waxaa safarkani ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshahada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo La Taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Mudane Balal Cusmaan.

SAWIRO:

 

READ MORE:  Wasiir Beyle: “Shuruudo badan ayaa nagula xiray soo daabicida lacagta cusub”

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->