Hub Al-Shabaab uga soo daga xeebaha oo laga hortagayo | Afrikada

Hub Al-Shabaab uga soo daga xeebaha oo laga hortagayo

Afrikada, Muqdisho: Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka hortageyso hub al-Shabaab uga soo daga xeebaha Soomaaliya.

Gaar ahaan waxay sheegtay in hubkaasi kasoo dago dekedaha ay maamusho xarakada al-Shabaab. Wasiir kuxigeenka ammaanka C/Naasir Saciid ayaa sheegay in dawladu ay wado qorshe looga hortagayo hubka ay la soo dagaan al-Shabaab iyo Daacish.

Wuxuu sheegey in dawladu dhisi doonto ciidamada xeebaha lana tayeyn doono si xeebaha Soomaaliya ay uga shaqeeyaan hubkaasi lasoo dajiyana ay uga hortagi lahaayeen.

“In aan ka hortagno ururada argagixisada adeegsiga ay adeegsanayaan baddan Soomaaliya ee iska furan noqotay iyaga oo hub kala soo daga gobolada qaar kuna dhibaateeya shacabka Soomaaliya. Arrimahaasi oo dhan markaan aragnay waxaan istusnay in aan dhisno ciidamada illaalada xeebaha Soomaaliya.” Sidaasi ayaa uu yiri C/Naasir Saciid.

Hubka ayaa badi la sheegaa in al-Shabaab ay ka keento dalka Yemen. Al-Shabaab ayaa ah xarako u badan dhanka koofureed ee Soomaaliya iyo buuraha Galgala ee Puntland Daacishta Soomaaliya ayaa iyana kusugan Puntland.

READ MORE:  Kooxo Hubeysan Oo Dil Ka Geystay Degmada Afgooye

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->