Subscribe

DAAWO: Kaamerada Amaanka Oo Si Toos ah Caalamka Looga daawanayo Gegida Diyaaradaha Lanzarote (Canary Islands, Spain)

Afrikada, Spain: Waxaa adduunyadu gaartay heer si toos ah loola socdo dhaqdhaqaaqyada lagu ogaanayo meelaha fog fog sida jasiiradaha iyo qaabka loo diiwaangelinayo inta diyaaradood ee ka degta garoomadooda.

Jasiiradani waa Lanzarote oo ka mid ah jasiiradaha Canary ee wadanka Spain. Kaamerooyinkani aad ayaa looga isticmaalaa Afrika. Waxaana la shaqaaleysiiyaa shaqaale la socda dhaqdhaqaaqyada kuwaasi oo ay agyaallaan taleefanno si ay ula xiriiraan shaqaale askar ah oo ilaalo ka ah meelaha diiradda la saarayo.

Kaamerooyinkani ayaa amniga qeyb weyn ka ciyaara waxaana lagu xiri karaa meelaha dagaalladu ka socdaan iyo faras-magaalaha looga baqayo in bombaanooyin lagu xiro. Halkaasi oo si fasiix ah looga ogaan karo il-biriqsi walba waxa ka dhaca.

Soomaaliya ahmiyad lagama siiyo dadaalka noocan oo kale ah waxaana ay soo baraarugaan marka wax weyn meesha ka dhacaan oo qur ah. Waxa kaamerooyinkan ay kala leeyihiin noocyo kala fasiixsan oo si nadiif ah u soo kala gudbiya waxa dhacaya.

Jasiiradaha iyo meelaha fog fog ee shaqaaluhu ku yar yihiin waxaa si aad ah looga faa’iideystaa kaameradani oo gegida weyn ee laga xukumo u soo gudbisa xogta. Kaameradu waxa laga daawadaa inta diyaaradood ee ku nastay ama isku cillad bixisay gegiyaashani, waxaana intaa kadib ku waajibaya canshuur.

READ  Koofiyad Dagaalyahankii 'Napeleone Bonabarte' Uu ku tuuray dagaalkii Waterloo Oo lagu Xaraashay 350 milyan

Waxaa la yaab noqotay in internet-ka qofku ka daawan karo waxa ka dhacaya gurigiisa oo uu ka soo dhoofay maalmo ka hor, arrrimahan oo u baahan in si fiican looga faa’iideysto. Waxaa sidoo kale Qofki mobeylkiisa kala socon karaa haddii ay booyeesadu carruurta ka dileyso iyo in kale, ama haddii ay xaaskiisu murugooneyso iyo in kale, dhammaanba amniga xaggiisa ayey kaafisaa kaameradani oo xitaa si qarsoodi ah aad ugu xiri karto goobaha sharcigu kuu baneynayo in aad ku daawato.

HALKA HOOSE KA DAAWO:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Dowladda Oo Ciidamo Wata Gaadiidka Dagaalka U Dirtay Gobolka Shabeellada Dhexe
- Aug 16, 2018
Afrikada, Shabeellooyinka:   Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo Xooggan iyo Dabaabaadka Dagaalka u daabushay ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 15/08/2018
- Aug 16, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
%d bloggers like this: