AKHRISO:Maxaa ay tahay Sababta R/Wasaariihii Australia Uu ugu Soo Jawaabay Al-Shabaab? | Afrikada

AKHRISO:Maxaa ay tahay Sababta R/Wasaariihii Australia Uu ugu Soo Jawaabay Al-Shabaab?

Afrikada, Sydney: Ra’iisul wasaarihii hore ee wadankaasi Austraaliya Tony Abbot ayaa shalay shaaciyey in uu jeclaan lahaa in uu weerar culus lagu harqiyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Tnoy Abbot ayaa intaasi raaciyey in xilligii uu ra’iisul wasaaraha ahaa uu mar damcay in uu weerar culus ku soo qaado isla markaana burburiyo kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta gudaha wadanka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in uu sidaa u sameyn lahaa in uu dadka Soomaaliyeed u horkaco ku noolaanshiyaha nabad iyo baraare.
Ra’isul-wasaarihii hore ee Australia, Tony Abbot oo xilkaasi hayey sannadihii 2013-kii ilaa 2015-kii waxa uu tilmaamay inuu dib uga laabtay go’aankaasi, kadib, markii uu garwaaqsaday inaysan Australia ka qeyb gelin howlgalladda lagula dagaalamayo Xarakadda Alshabaab.

Tony Abbot, ra’iisul wasaarihii hore ee wadankaasi Australia..!

R/Wasaaraha howlgabka ah ayaa ka hadlay go’aankii ay Al-Shabaab dhowaan ku mamnuuceen Isticmaalka Bacaha oo khatar u ah dadka iyo xoolaha, wuxuuna xusay in uu rajo-laawe noqonayo, haddii uu Talo lagu badbaadinayo Caalamka ka qaato dad noocaas oo kale, waa sida uu hadalka u dhigay.

READ MORE:  BLOOMBERG: Muhaajiriinta Afrikaanka Waa kuwa ugu Dadaalka Badan Ameerika?

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaarihii hore ee Australia, Tony Abbot waxa uu isagu horey u soo jeediyey in bacaha laga mamnuuco magaalladda Woolworths ee dalka Australia, balse waxa uu haatan ka soo horjeestay Aragtidaasi. inkastoo Go’aankaasi maanta ka ka dhaqan galayo Woolworths.

In ka badan 3.9 billion oo bacaha lagu adeegto ayaa la sheegay in sannad kasta laga isticmaalo dalkaasi Austraaliya.

Hadaba Maxaa Uu Tony Abbot Hadalkiisu uga dhigan yahay  Soomaalida?

Koleyba waa la yaab. Waxaana yaab leh in qof walba in uu Soomaalida iyo dhibteeda ka hadlo, Dhabtii ma aha mid ceeb ah in bacaha la mamnuuco, maadaama degaanka la dhowrayo. Balse hadalka Tony waa nooc ka mid ah sida shisheeyuhu u jecel yihiin in ay marmarsiiyo u helaan shaacinta ceebta Soomaalida.

Sidoo kale, waxaa meesha yaalla ayaa ah in ay muuqaneyso sida shisheeyuhu 5-ta gacnood ugula jiraan wadanka Soomaaliya, tani oo weliba sii muujineysa in aysan xad laheyn farogelinta loo soo marayo Al-Shabaab ee shacabka Soomaaliyeed uu hogaamiye kasta jecel yahay in uu bombadiisa ku soo tuuro, xilli aysan taageeraynin dowladda howshani quseyso ee in laga gargaaro u baahan..

READ MORE:  DAAWO: Cali Khaliif "Dagaalka Tukaraq Waxba La Igama Weydiin, Qof Aan Jirin ayaa la iga soo Qaaday"

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Xulka Itoobiya Oo 4-0 ku dhuftay xulka Qaranka Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is ...
Dalka Eritrea oo maanta cunaqabateynta hubka laga qaadayo iyo Soomaaliya oo sanad siyaado ah loogu darayo
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada ...
UN Monitoring Group: “Dowladda Soomaaliya ma xakameyn karto hubkeeda, suuqyada ayaa lagu iibiyaa” WARBIXIN SANADEED.
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Warbixin dheer oo ay soo saareen Kooxda Qaramada Midoobey la socodka Cunaqabateynta ...
DHAGEYSO: Wasaarado Beeniyay in koronto laga goostay+Horta Isweydii Dowladdu ma bixisaa adeeg Koronto, Annagaa is deberna iwm?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Iyadoo laga jawaabayo koronto la'aan maanta laga soo weriyey wasaarado badan ...
DHAGEYSO Xildhibaan Cosoble: “M/weyne Farmaajo lacagtii dalka waa uu aruursaday, meel uu u wadana la garan maayo?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya baarlamaanka federaalka ayaa sheegaya in uu qeylo dhaamiyey ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->