WAR-SAXAAFADEED: Duqa Magaalada Muqdisho Oo Xukun ku riday Dadka Xoolahooda ku soo Daaya magaalada Muqdisho | Afrikada

WAR-SAXAAFADEED: Duqa Magaalada Muqdisho Oo Xukun ku riday Dadka Xoolahooda ku soo Daaya magaalada Muqdisho

Afrikada, Muqdisho: Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la isla dhex marayaa in laga joojin doono in dadka xoolaleyda ah in ay moorooyinkooda lo’da iyo dameerahooda ka dhowraan in ay magaalada u soo daaqsin tagaan.

Taariikhda rasmiga ah ee amarakani uu soo baxay oo ah 03-da July 2018 ee shalay aheyd ayaa waxaa uu Eng. Yariisow faray dadka xoolahooda magaalada ku soo dhex daaya in ay xafidtaan xoolahooda. Xafiditaanka ayaa looga gol leeyahay in dhanka bilicda iyo nadaafadda la ilaaliyo.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa wareegtada uu soo saaray waxa uu u sheegay dadweynaha gobolka Banaadir in ay fursad u heystaan muddo 2 asbuuc ah oo ay amarkan ku fuliyaan, cidii xoolahooda lagu arko iyagoo lagu soo sii deynayo wadooyinka ayaa waxa ay muteysan doontaa in lagala wareego xoolahaasi ama ganaax lacageed lagu soo oogi doono.

Weli arrintani maxkamadi kama aysan hadlin waxaase xukunka sii riday Eng. Yariisow isaga oo labo u kala qaaday xukunkiisa, xukunka koowaad oo ah:

READ MORE:  DEG DEG: Qarax markii ugu horeysay Ka Dhacay Buuhoodle Iyo Mas'uuliyiin Khaatumo ka tirsanaa Oo lagu dilay

-In cidii ceshan weyda xoolahooda wixii ka dambeeyana labadaas Todobaad ay muteysan doonto ganaax lacageed.

-In cidii xoolaheeda ceshan weydo ee horey loo soo ganaaxay muddo 3 jeer ah in lagala wareegi doono xoolaha.

Ma aha markii ugu horeysay ee mas’uul jagadani haya uu soo saaro amar magaalada Muqdisho looga xakameynayo xoolaha la dhaqdo kuwaasi oo mar mar la arkayo iyaga oo jardiinooyinka iyo cowska bilicda goosanaya ama daaqaya dhirta lagu xardhay Faras-magaalaha.

WAR-SAXAFADEEEDKA HOOS KA AKHRI:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->