DEG DEG: Al-Shabaab Oo Gowracay Taliyihii Ciidammada Galmudug+15 Qof ku dishay dagaal aad u Qaraar | Afrikada

DEG DEG: Al-Shabaab Oo Gowracay Taliyihii Ciidammada Galmudug+15 Qof ku dishay dagaal aad u Qaraar

Afrikada, Cadaado: Warar aynu ka helayno dagaallo aad u ba’an oo saaka aroortii ka dhacay degaanka Caad oo u dhexeeya magaalooyinka Cadaado iyo Xarardheere.

Dagaalkan ayaa dhacay saaka aroortii waxaana wararku sheegayaan in si aad u xun jilbaha dhulka la isugu dhigay iyadoo la isweydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Degaanka dagaalku ka dhacay ayaa 50 KM u jira magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Meydadka 15 askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Galmudug ayaa la sheegay in lagu arkay iyaga oo daadsan gudaha deegaanka Caad, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dadka deggan degaanka Caad ay diideen in ay la shaqeeyaan kooxaha Al-Shabaab taasi oo keentay in hilfaha la isku qaado oo meeshaasi uu dhib weyn ka dhaco.

Kooxaha A-Shabaab ayaa si gaadmo ah weerarka ugu harqiyey degaanka Caad waxaana Shabaabku ay dhowr jeer hore ugu amreen dadka degaanka in ay carruurtooda ka soo xaadiriyaan dugsiyada Al-Shabaabku wax ka dhigaan.

Dhibka degaannadani ka dhacay ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay si xun u hareereeyeen maleeshiyaadkii Galmudug ee degaannadaasi ku sugnaa kuwaasi oo isgaarsiinta laga jaray goor hore aroortii.

READ MORE:  Shiinaha oo u yeeray safiirka Kanada ee fadhiya caasimadda Shanghai

Ciidmmada Galmudug ayaa 15 laga dilay waxaana goobtu weli tahay mid colaadi ka taagan tahay.

Galmudug ayaan aheyn maamul si aad ah isaga difaaca kooxaha mintidiinta tani oo keentay in degaannada Al-Shabaabku ay yihiin kuwo kooban. Dadka degaankuna si aad ah uma aaminsana mabaadi’da kooxaha Al-Shabaab.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->