AKHRISO:Farmaajo Iyo Kheyre Oo Cadaadinaya Gobollada aan weli Imaaraadka U janjeerin+Dowladda Qadar Oo ka degtay Hobyo | Afrikada

AKHRISO:Farmaajo Iyo Kheyre Oo Cadaadinaya Gobollada aan weli Imaaraadka U janjeerin+Dowladda Qadar Oo ka degtay Hobyo

Afrikada, Hobyo: Xilli gobollada dalka ay u kala qeybsan yihiin Imaaraad iyo Qadar ayaa waxaa isa soo taraya loollanka ay Farmaajo iyo Kheyre ku doonayaan in ay ku hormaraan gobollada ay ka adag yihiin ee aan weli la qabsanin Imaaraadka Carabta.

Horey ayaa Puntland dekadeeda waxaa u haya Imaaraadka halka Jubaland ay sii balaarisay cilaaqaadkeeda gaarka ah ee kala dhexeeya UAE, sidoo kale waxaa dhowaan u hanqaltaagayey Imaaraadka Hirshabeelle oo dekadda Cadale ku baaqday in Itoobiya loo gacan geliyo, sidoo kale m/weynaha Koonfur Galbeed ayaa isaguna aad u taageersan Imaaraadka Carabta.

Intaas marka laga soo tago waxaa xulufada Farmaajo iyo Kheyre ay isku dayeyaan inay maamulka aan weli cagaha adag ku taagneyn ee Galmudug ay qoorta u geliyaan xarigooda si ay ula wareegaan dekadda Hobyo.

Awood kala jiidashada ayaa socota waxaana dhowaan Hobyo ka degay saraakiil ay soo dirtay dowladda Qatar, iyaga oo halkaasi soo kormeeraya isla markaasina maalgashi diyaarinaya dekadda keliya ee cidlada ku sugan.

READ MORE:  DAAWO:Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 25/08/2018

Horey ayaa Farmaajo iyo Kheyre waxaa ay cadaadis xoog badan u saareen maamulka cardunka ah ee Galmudug iyaga oo dhinacyo badan ka weeraray isla markaasina go’doon geliyay madaxweynihii Galmudug mudane Xaaf.

Waxaa sidoo kale ay isha ku heysaa dowladda dhexe inay si cad ula loollanto maamul goboleedyada Imaaraadka ku adkeystay iyada oo adeegsaneysa dowladda Qatar oo markaani si toos ah Farmaajo u taageerayo.

Hore waxaa caalamka loo sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dhex dhexaad ka tahay arrimaha wadammada Carabta, hase yeeshee haatan waxa ay u muuqataa in dagaalku sii kululaanayo. Galmudug ayaa laga faa’iideysanayaa sababo la xiriira iyaga oo soo hoos fariistay Villa Soomaaliya kadib markii la kala furfurtay xitaa heshiiskoodii kadib.

M/weyne Gaas Oo u muuqda geesi banaan degay isla markaasina xiriir heer sare ah la leh wadanka Imaaraadka Carabta, muuqaalka kore waa saxiixii DP World ay 30 sanadood kula wareegtay maamulka dekadda Boosaaso.

Waxaa la isla dhex marayaa in Axmed Ducaale Geelle ‘Xaaf’ uu si toos ah ugu balanqaaday Farmaajo in uu ka dambeyn doono, waxaana sidoo kale jira in maamulka Xaaf uu dersayo casharro ba’an oo dowladda Farmaajo ay u dhigtay kal hore isaga oo ka soo waaqsan waayey maja xaabintii laga horkeenay maamulkiisa.

READ MORE:  Al-Shabaab Oo Badda Iyo Beriga Ka Weeraray degmada Baraawe+Weeraray Hub u Wadey ciidanka AMISOM

Xaaf ayaa waxaa afarta dhinac kaga furan dhibaatooyin dhanka siyaasadda ah waxaana uu u ciirsaday dhanka Villa Soomaaliya isaga oo ‘mar uun i badbaadiya’ xaalka ka taagan yahay.

Arrintan waxa ay kalliftay in dowladda dhexe ay saraakiil ka socota Qadar u dirto Hobyo si halkaasi mashaariic looga bilaabo ayna u saldhigato siyaasadda dowladda Qadar iyo Farmaajo.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Xulka Itoobiya Oo 4-0 ku dhuftay xulka Qaranka Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is ...
Dalka Eritrea oo maanta cunaqabateynta hubka laga qaadayo iyo Soomaaliya oo sanad siyaado ah loogu darayo
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada ...
UN Monitoring Group: “Dowladda Soomaaliya ma xakameyn karto hubkeeda, suuqyada ayaa lagu iibiyaa” WARBIXIN SANADEED.
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Warbixin dheer oo ay soo saareen Kooxda Qaramada Midoobey la socodka Cunaqabateynta ...
DHAGEYSO: Wasaarado Beeniyay in koronto laga goostay+Horta Isweydii Dowladdu ma bixisaa adeeg Koronto, Annagaa is deberna iwm?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Iyadoo laga jawaabayo koronto la'aan maanta laga soo weriyey wasaarado badan ...
DHAGEYSO Xildhibaan Cosoble: “M/weyne Farmaajo lacagtii dalka waa uu aruursaday, meel uu u wadana la garan maayo?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya baarlamaanka federaalka ayaa sheegaya in uu qeylo dhaamiyey ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->