Xildhibaan C/laahi Maxamed Nuur: “Eng. Yariisow Waxaa Uu Gobolka Ka Wado Ma Ahan Bilic Soo Celin Ee Waa Baab’in Bulsho”

Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ah Guddoomiyaha Xildhibaannada la magac baxay kudlada horusocod ayaa dhaliilay Wareegtadii guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maanta ka soo baxday ee uu ku baabi’iyey heshiiskii lagula wareegay darjiinada iyo Beeraha ku yaalla Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa Qoraal uu Baraha Bulshada soo dhigay,waxa uu ku sheegay in wax laga xumaado ay tahay in guddoomiye Yariisow uu shaaciyo in laga laabto dhul markii hore lasiiyey dad Shacab ah,isla markaana Shacabka Muqdisho aan lagu maamuli Karin in hantidooda lagu boobo sifo aan sharci aheyn sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa kale oo runtii wax aad looga xumaada ah waxa kasoo yeeray Gud. Yariisow ee ahaa in uu kala noqoday dhul ku yaala Magaalada muqdisho dad shacab ah oo hore loo siiyay waxaana u sheegayaa gudoomiyaha gobalka in aan marna shacabka Soomaaliyeed lagu maamuli karin hantidoodana lagu baabi’in karin sifooyinka nuucaan ah oo sharci darada ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ammarkii Maanta ka soo baxay guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu la mid yahay in muqdisho aysan ka socon wax la yiraahdo bilic soo celin balse ay ka socoto sidii loo baabi’in lahaa dadka Shacabka ah.

READ MORE:  Shacabka Muqdisho Oo dareemaya In aysan iyagu laheyn "Dhulka ay u Dhasheen" Maxaa ka maqan Reer Muqdisho Oo ay u Degi la'yihiin???

“Gobalka Banaadir waxa ka socda ma ahan bilic soo celin ee waa baab’in bulsho iyo mid dhaqaale mana ahan wax la aqbali karo, waxaana si dhow ula socday habdhaqanka dowlada dhexe iyo kan maamulka Gobalka banaadir ee uu hormuudka ka yahay Abdirahman Omar Osman (Eng Yariisow) ee ku aadan bulshada Gobalka Banaadir waxayna muujinayaan ficiladani fashilka hogaanka dalka oo gadaal kariixaya cuuryaaminta bulshada Degan Gobalka iyo Guddoonka ay u soo Magacaabeen oo kaliya in ay Danhooda gaarka ah oo kaliya u fuliyaan,

Gaba gabadii waxa uu ugu baaqay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho in uu maamulkiisu uu ka Shaqeeyo dib u dhiska Gobalka iyo gaarsiinta adeega Arimaha bulshada ee uu ka sugayo shacabka Gobalka Banaadir.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Dowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay Sababta Bulshada ay Garsoor Ugu Doontaan Al-Shabaab?
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta keentay in inta ...
Qalbi-dhagax oo ka warramay safarkiisa Hargeysa (Sawirro)
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaa maanta oo Talaado ah gaaray Cabdikariin ...
DAAWO: Qalbi-Dhagax iyo Aadan Barre oo ku kulmay Nairobi
- Sep 24, 2018
Afrikada, Nairobi: Xildhibaanka laga soo doorto caasimadda gobolka Waqooyi Bari ee Gaarisa mudane ...
10 Al-Shabaab ah Oo lagu dilay degmada Pandanguo, ee Lamu, Kenya
- Sep 24, 2018
Ciidammada Difaaca Kenya ayaa sheegaya in ay dileen tiro ka badan 10 maleeshiyaadka Al-Shabaab ...
DHAGEYSO: Xildhibaano doonaya in ay siidayaan Dadkii gubay Marxuum Axmed dowlo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday ...
%d bloggers like this: