Mareykanka Oo shidaal Dheeraad ah Weydiistay Sacuudiga | Afrikada

Mareykanka Oo shidaal Dheeraad ah Weydiistay Sacuudiga

Golaha wasiirada boqortooyada Sacuudi Caraabiya ayaa Talaadadii maanta aqbalay codsiga boqortooyada ee ku aadan in Mareykanku uu la baxo shidaal dheeraad ah si uu u sii balaariyo xajmiga suuqyada caalamiga ah iyo deganaanshiyaha suuqyada shidaalka.

Warkan oo ay sii deysay wakaaladda wararka ee Saudi Press Agency (SPA) ayaa lagu sheegay in Boqortooyadu u heelan tahay codsiga uga yimid xukuummadda Mareykanka ee ah in ay ceelasha shidaalka ee boqortooyada ka bom-gareysato wax soo saar ka badan intii heshiisyadii hore dhigayeen isla markaasina ay qaadato shidaalkaasi dheeriga ah.

Kulan uu shir gudoomiyay Boqor Salmaan oo ay ka soo qeybgaleen golaha wasiirada ayaa uu boqorku ka codsaday golaha in la ambaqaado codsiga Mareykanka ee ah in uu la baxo shidaal dheeri ah.

US President Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay in boqor Salmaan ay isku waafaqeen in la kordhiyo shidaalka Mareykanku ka dhoofisto Sacuudigu Waxaana Donald Trump uu si kajan ah warbaahinta uga hor yiri: “Xitaa waxaa laga yaabaa in ay tahay ilaa 2 milyan oo fuusto.”

READ MORE:  DAAWO SAWIRADA: Shiinaha Oo dhisay Buundadii ugu weynayd ee badda dusheeda marta

Trump ayaa sheegay in heshiiska soo saarista shidaal intaasi ka badan lagu gaaray dhanka qadka taleefanka waxaana uu ka gaabsaday in uu sii faahfaahiyo waxyaalihii ay isla cayimeen labada mas’uul.

Labada hogaamiye ayaa lagu soo waramayaa in ay ka doodeen in dadaal dheeraad ah lagu bixiyo sidii ‘magdhow’ ama ka soo kabasho loo siin lahaa wadammada Saliidda soo saara lacala haddii ay yaraato saliida ay helaan.

Wadammada aan ka tirsaneyn ururka saliida oo uu ka mid yahay Ruushku ayaa bishii Juun 23-keedii taageeray dadaalkaasi isagoo Ruushku sheegay in arrintani looga gaashaamanayo dhibaatada kala dhex taallada wadammada xulufada Sacuudiga iyo Iiraan oo waayadan dambe dhibaatadoodu saameyn yeelatay.

Sacuudiga ayaa ah wadanka ugu shidaalka badan caalamka waxaana uu maalinkii soo saaraa shidaal nadiif ah oo dhan 1.5 milyan ilaa 2 milyan oo fuusto oo keyd ah marka loo eego xogta wakaaladda Tamarta Qiimeysa ee ‘United States Energy Information Administration.’ Waxaaa kale oo uu soo saaraa shidaalka ceyriin oo dhan 10 milyan oo fuusto sida uu shaaciyey ururka ay ku midoobaan wadammada shidaalka soo saara ee loo soo gaabiyo OPEC.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DHAGEYSO Xildhibaan Cosoble: “M/weyne Farmaajo lacagtii dalka waa uu aruursaday, meel uu u wadana la garan maayo?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya baarlamaanka federaalka ayaa sheegaya in uu qeylo dhaamiyey ...
Wasaarado ka Tirsan Dowlada Somaliya Oo korontadii Laga Jartay
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xarumaha ilaa 7 Wasaaradadood ...
Banaanbax ka dhacay magaalada Gaalkacyo
- Nov 13, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Banaan bax looga soo horjeedo nin ay Maxkamadda Ciidamada Puntland ku xukuntay ...
Dagaal Oromo iyo Soomaali ku dhex maraya degaanka Mooyaale, 7 Dhimasho, 13 Dhaawac
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya degmada Mooyaale waxa ay sheegayaan in ugu yaraan ...
AKHRISO SIRTA: Labo koox oo Al-Shabaab ah oo isaga horyimid Jubada Dhexe?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dagaal ayaa ka dhex qarxay qaar ka mid ah kooxaha mintidiinta Al-Shabaab ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->