La Yaab: Qoys La Sheegay In ay Ilko Dadeed Ka Dhex Heleen Rooti Ay Ku Quraacan Lahaayeen

Qoys ku nool Degmadda Seydikemer ee Gobalka Mugla ee K/galbeed ee dalka Turkiga waxay argagax ka qaadeen markii ay Rootiga nooca waa weyn ee la jarjaro laga dhex helay nus dersin oo Ilko ah.

Warbaahinta Maxaliga ee dalkaasi waxay maanta baahiyeen Dhacdadaasi oo ka dhacday Degmadda Seydikemer, iyadoo Odayga Reerka oo rootigaasi quraac ahaan loogu geeyey ayaa arkay Ilka ku dhex jira Rootiga.

Waxa uu xaaskiisa si xanaaq leh ku yiri: “Maxaad ilkahaaga u soo dhex gelisay Rootiga?”

Xaaska oo 60-jir ahayd oo dhex joogtay Xero ay Ido ku siinaysay caws waxay u sheegtay Saygeeda inaysan iyada lahayn Ilkaha laga dhex helay Rootiga.

Maamadda oo la hadashay Saxaafadda ayaa sheegtay in Ilkaheeda Macmalka ay ku jiraan Afkeeda, waxayse tilmaamtay in mid ka mid ah Shaqaalaha Foornadda Rootiga ay ilkihiisa ku dhaceen markii uu Rootiga samaynayey.

Waxay sheegtay in Milkiilihii lahaa Ilkahaasi uu imaan karo, si ay u siiso Ilkahaasi oo lagu qiimeeyey 2,000 oo Lacagta Liiraha Turkiga.

READ MORE:  Xabsigii Robben Island Ee lagu Soo Xabisan Mandela oo habeenkii lagu kireynayo $250,000

Waxay Suxufiyiinta tusisay Rootigii ilkaha ku jireen oo ay kor u haysay, sida lagu soo daabacay Shabakadda Wargeyska Maalinlaha ee Hurriyet ee ka soo baxa Turkiga.

WQ; Ustaad Nuradin

DHAGEYSO: C/raxmaan Yariisow Oo Si Xun U Calaacalay, “Dowlad Goboleedyadow Waa Idin Baryeynaa Ee sida ka Daaya..?”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Yariisow oo ka mid ah Guddiga ...
Doodii Baarlamaanka: “R/W Kheyroow DEG DEG Isku Casil Sababtoo ah Eey annagu Dooni Meyno”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Mudanayaasha baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo dood xasaasi ah ka yeeshay Amniga dalka, ayaa ...
DHAGEYSO: Nin si xun Loogu dilay Xaafada Suuqa Xoolaha
- Sep 17, 2018
AFrikada, Muqdisho: Nin da' ah ayaa waxaa maanta lagu dilay xaafada Suuqa Xoolaha ee ...
Magaalo ku taal Mareykanka Oo Duufaanno go’doomiyeen
- Sep 17, 2018
Afrikada, USA: Waxaa duufaanno darani ka soconayaan wadanka Mareykanka gobollo ka mid ah waxaana ...
Shirkii Loo Balansanaa La dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish Oo Baaqday Iyo Mas’uuliyiin Muhiim ah Oo HURDADA ka soo kici waayey?
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maanta oo Isniin ah kuna beegan 17/9/2018 ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ...
%d bloggers like this: