Subscribe

AKHRISO:Cabdi Ileey Iyo Nin Tigree ah Oo fooda Iskula jira+Ninka Tigreega ah Oo Xoog ku heysta Ceelal Shidaal

Afrikada, Jigjiga: Cabdi Maxamuud Cumar ‘Cabdi Ilay” oo ah madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa ku eedeeyay madaxa Shirkada SouthWest Energy Mr. Tewofros Ashenafi ahna Sarkaal sare ka tirsan xukuumadda Itoobiya in uu xoog iyo sandulle ku heysto goob shidaal ka buuxo oo ka tirsan kilinka 5-aad ee Itoobiya.

Madaxweyne Cabdi Iley oo ka hadlayay goob fagaare ah oo ku taal degmada Elele ee gobolka Shabeele oo uu ku yaalo ceel shidaal oo 28 June si rasmi ah u bilaabay wax soo saarka ayaa Cabdi Iley waxa uu ku calaacalay in goobaha shidaalka ee loo yaqaano Jigjiga Basin gaar ahaan ceelka shidaal ee loo yaqaan Cobele in uu si khaldan ama sharciga ka baxsan uu haysto ninkaasi Tigreega ah.

Waa markii ugu horeysay ee madaxweyne Cabdi Iley uu sidaan oo kale u ashtakoodo isagoo weliba ka dacwoonaya shirkad shidaal, xilli uu yahay madaxweynaha haatan u taliya kilinka 5-aad ee Itoobiya.

Cabdi Ileey ayaa hadalkiisa ku sii daray: “Waxaa jira ceelal shidaal ah oo aysan dowlad degaankeennu war ka heynin kuwaasi oo Tigreegu iska maamusho” ayaa uu ku cataabay Cabdi Iley madaxweynaha dowlad degaanka Itoobiya.

READ  8-da ciyaartoy Ee ugu mushaharka Badan Ciyaaraha kubadda Cagta dunida; DAAWO SAWIRADA

Warkan ka soo yeeray madaxweyne Cabdi Iley ayaa imaanaya xilli shirkado Shiineys ah iyo kuwo Itoobiyaan ah ay iska kaashadeen in la soo saaro shidaalka ku jira dhulka Soomaali-Galbeed, warkani ayaa sidoo kale naxdin iyo filanwaa ku noqonaya dadka Soomaalida ah ee aadka u aaminay Cabdi Iley isla markaasina isku dhiibay maamulkiisa Jigjiga.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Dowladda Oo Ciidamo Wata Gaadiidka Dagaalka U Dirtay Gobolka Shabeellada Dhexe
- Aug 16, 2018
Afrikada, Shabeellooyinka:   Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo Xooggan iyo Dabaabaadka Dagaalka u daabushay ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 15/08/2018
- Aug 16, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
%d bloggers like this: