AKHRISO: Xilliyada Soomaalida, Bilaha iyo Maalmaha (Dhaqankeena Cajiibka ah)

Sannaduhu, bilaha iyo maalmaha Soomaalidu waxa ay leeyihiin magacyo u gaar ah, sanadka Soomaalidu waxa uu ka koobmaa 365 maalmood oo sidatan soo socota ah:

1-     Xagaa:

B)-Samoole oo 31 maalmood ah.

T)-Bil-karameed oo 30 maalmood ah.

  1. J) Warare oo 31 maalmood ah.

2-     Dayr:

B)-Harraad oo 30 maalmood ah.

  1. T) Gudbane oo 31 maalmood ah.
  2. J) Dambasame oo 30 maalmood ah.

3-     Jiilaal:

  1. B) Diraac oo 30 maalmood ah.
  2. T) Xays oo 30 maalmoo ah.
  3. J) Toddob oo 31 maalmood ah.

4-     Gu’:

  1. B) Seermaweydo oo 30 maalmood ah.
  2. T) Cawl oo 30 maalmood ah.
  3. J) Diri-sagaal oo 31 maalmood ah.

Dayaxa: dhulkuu ku wareegaa dayaxu wuxuuna ku dhammaystiraa wareeggiisa 30 maalmood. Labo maalmood waa dibbad oo lama arko, 28ka kalana waa muuqdaan, waxayna Soomaalidu u qaybisay sidaan:

1-      7 maalmood wuxuu ku jiraa hogga la yiraahdo Faraaci (magaca xiddigga uu ag joogo).

2-     7 maalmood wuxuu ku jiraa hogga Naar (magaca xiddigga uu ag joogo)

3-     6 maalmood wuxuu ku jiraa hogga Cirir (magaca xiddigga uu ag joogo)

4-     4 maalmood wuxuu ku jiraa hogga Dirir (magaca xiddigga uu ag joogo)

5-     4 maalmood wuxuu ku jiraa hogga Daalalo (magaca xiddigga uu ag joogo)

Magacyada Bilaha:                                  Magacyada Maalmaha

Ingiriis           Somali                               Carabi                Somali

January           Bil-kowaad                          Axad                     Case

Febuary           Xigto                                   Isniin                    Lamme

March              Seddexa                             Talaado                 Sade

April                Abraar                                Arbaco                  Carte

May                 Riyaale                               Khamiis                Uguux

June                 Idaale                                Jimce                    Agaax

July                  Carfoon                             Sabti                    Agaali

August            Tukuba

September      Dhaafa

October           Nasteexo

November       Asli

December       Cifadda

 

DHAQANKA IYO CAADADA DADKEENNA:

Waayihii hore ee dadka S/liyeed sida weyn u dhawri jiray dhaqanka iyo hiddihiisa, siyaalihii la isla okobanaa ee guurku ku salaysnaa baa waxay ahaayeen:

1-     Toos: Waa marka labo is jamato ama is jeclaato oo wiilkii oo ay weheliyaan koox qoykiisa ama qolodiisa ah u geed fariistaan gabadhii oo doonaan ama wiilku gabadhii uu calmaday la baxo oo sidaas ku aqal geysto. Labada u anbaqaadaysa sidii ay reer cusub u yagleeli lahaayeen waxaa soo mari jireen sheekooyin muddo dheer socda iyo tijaabooyin uu midba kan kale ku eegaayo, waxayna oran jireen: kunna way koodisaa, kowna way kala baxdaa.

2-     Dabajoog: waxaa qoysas badan dhaqan u ahaan jirtay in labo walaalo ahi ubadkooda isu guuriyaan, habkaasna la qaayibo muddo dheer, waxaana wali la helayaa labo is qabta oo ilaa dhawr fac sida iyaga oo kale waalidkoodna ilmo abti u ahaa.

3-    Sahan Dumar:

  1. A) Heeran: waxaa dhici jirtay in gabdho ka tirsan hal degmo ama degmooyin isu ogog lihi inta is aruursadaan u kacaan degmooyin lagu maqlay rag geyaankooda oo ay ka filanayaan inay guursadaan. Gabdhahaas markay soo gaaraan degmooyinkaas waa la soo dhaweyn jiray. Waxay gabadhuhu ku dhaqaaqi jireen hawlo ay mid walba ku muujinayso naagnimadeeda, tusaale ahaan sida ay xoolaha u dhiqi taqaan, sida ay farshaxanka u tahay oo ay rarada iwm u samayn taqaan. Mararka qaarkoodna raggii ay degaankooda yimaadeen baa uu kuur gali jiray, sida tusaalahaan: waa baa gabdho heeran ahaa degmaday u yimaadeen u qashay neef, kadibna hilbihii oo kulul baa loo keenay, saa mid baa tiri;naa ha kafafee kor saar, midna waxay tiri; naa koran maynee kala goo, midna waxay tiri; naa ha qaboobee qabawar ku rid, midna waxay tiri; kululaa kaba naallee. Gabadhahaas oo labo ama seddex qad ahaa waa la dhageysanaayay iyadoo loo jeeday in la toociyo dhaqammadooda, sida la sheegana waxaa laga guursaday tii tiri: ha kafafee kor saar iyo tii tiri; kululaa kaba naallee.
  1. B) Ilmadow: Waayo waxaa jiray ay gabari jeclaan jirtay nin ay wanaaggiisa u dhabbagashay, waxayna markaas kadib gabadhaasi geli jirtay aqalka ninkay calmatay. Sidii u dhaqanku ahaa waa in ninkaasi gabadhaas guursado xitaa hadduu kuwo kale qabo ama u guursho wiilkiisa, walaalki, ina adeerkii ama mid kaloo xigtadiisa. Hadduu sidaas kore yeeli waayo waxaa la isla oggolaa inuu magteeda bixiyo. Waxaa kaloo la rumaysnaa in gabadhaas soo aqal gashay ay tahay ilmadow oo ninkii gaba iyo reerkiisaba ganaax xag Eebbe ka yimid ku dul habsan doono.

4-     Godob-reeb: marka laba dhinac isku dhacaan oo geeri meesha soo gasho, haddii mag la kala qaato waxaa la raacin jiray gabar loo guursho ninkii dhintay aabbihi, walaalki ama ina adeerki. Sidaas waxaa loo yeelaayay in la baajiyo dhiig kale oo qubta iyo in lagu kala bogsoodo, waxayna oran jireen; meeshii xinjir ku daadatay, xab ha ku daato.

5-     Dhabar-garaac/Boob: marmar baa waxaa dhici jirtay in nin gabar jeclaado, hase yeeshee iyadii diiddo, markaasaa kii jeclaystay gabadhu inta soo abaabusho koox jifadiisa ama tolkiisa ka tirsan baa gabadhii inta la uleeyo xoog lagu kaxaysan jiray, kadibna inta la masaafaysto xoog lagu guursan jiray, waayo kadibna arrinkii xasili jiray oo sidaas afo iyo sey ku noqon jireen.

6-     Kufsi: marmar baa waxaa dhici jirtay in nin gabar kufsado oo loollankii labadaas dhex maray gabadhii waxyeello ku soo gaadho sida; il ka dhacda, ilko dhaca ama nabar kaloo culus. Guurtidii arrinkaas u gogol fariisataa waxay gaari jirtay go’aanno u danaynaya gabadhaas la kufsaday, waxayna aalaa xukumi jireen in uu ninkii qabsaday guursado, waxayna oran jireen; quruxdeeda wax u-dhime, qadaadkay u saaran tahay.

7-     B) Xiskiisan: nin baa afadiisii ka dhimatay iyadoo carruur u leh amaba u lahayn, waxaa markaan oo kale dhaqan xooggan ahayd in marwadii xijaabatay walaasheed ninkii la siiyo iyadoo loo danaynayo ilmihii rajada ahaa, waxayna oran jireen: xiiskiisan xulasho ma leh. Ninka ka heli waaya waxtarkii marwadiisii dhimatay midda cusub inta badan cabashadiisa waa la maqli jiray sida kii yiri: anna calool xumaa i dili, adna caanaa ku dili, cunuggana cabaad baa dili iyo kii yiri; adna oohinta iga dhammee anna ilmahaan kaa dhammayn.

  1. T) Dumaal: Marka nin ka dhinto qof dumara oo aan wali dhalmodays noqon, waxaa dhaqan adag ahayd in qoftaas reerkay u dhaxdey nin ka tirsan guursado, iyadoo aalaa loo danaynaayo carruurtii agoonta ahayd, waxayna oran jireen;dumaali waa damal carruureed.  Aad iyo aad bay dumarku u necbaan jireen walina u neceb yihiin dhaqanka dumaasha.

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO VIDEO: SHEEKH reer Somaliland ah Oo Ku Taliyey In la Habaaro Dadka Koonfurta Soomaaliya
- Jul 20, 2018
Afrikada, Hargeysa:  Waxaa weli dadka culimada ahi ay dhaliilayaan sababta ay weli carqalad dhanka ...
Al Shabaab Oo wadada u galay Gaari Caasi ah
- Jul 20, 2018
Afrikada, Balcad:  Wararka inga soo gaaraya degmada Balcad ee G/Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in ...
DEG DEG: Xafiiskii Hey’adda Sirdoonka Soomaaliya Ee NISA Oo la Jabsaday DAAWO SAWIRADA
- Jul 20, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Taliye ku-xigeenka koowaad ee hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Gen. ...
Dagaal Culus Oo dhex maray Puntland Iyo Al-shabaab+Ciidammada Puntland Oo dib ugu gurtay degmada Carmo
- Jul 20, 2018
Afrikada, Af -Urur: Dagaal ayaa saaka aroortii dhex maray Al-Shabaab iyo Puntland. Wararka ayaa ...
Kooxda Argagixisada Al-Hijra Oo lagu diray Liiska Argagixisada
- Jul 20, 2018
War ay soo saartay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka shalay oo Khamiis aheyd waxa ay ...
%d bloggers like this: