Subscribe

Nin lagu Gowracay degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir

Afrikada, Muqdisho: Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir waxaa lagu gowracay nin magaciisa lagu sheegay Xuseen Cali Cumar oo ka mid ahaa ragga xoolaha ku qala Suuqa degmadaas sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray.

Marxuumka la gowracay ayaa la sheegay inuu caanka ahaa degmada gaar ahaan Suuqa Xoolaha.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ninkan la dilay uu sababsaday gacanta nin kale oo ay wada shaqeyn kala dhexeysay, balse uu muran soo kala dhex galay.

Mid ka mid ah ehelada Marxuumka la dilay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maalmahanba marxuumka uu dacwad ka ahaa ninka wax gowracay oo la sheegay inuu baxsaday.

Maamulka Degmada Dharkeynley iyo saraakiidha laamaha amaanka degmadaas ayaan illaa hadda wax fal celin ah ka sameynin sidii loo soo qaban lahaa ninka geystay falka dilka ah.

Arrintan ayaa muujineysa in uusan jirin mansab degaan oo loo dacwad tago, tani oo la micno ah in saldhigyada boolisku ka gaabiyeen ka warqabka arrimaha degmooyinka ka jira, xilli 2 shaqsi ay is dhibaateeynayaan.

READ  Al Shabaab Oo wadada u galay Gaari Caasi ah

 

Aaway kaalintii iyo doorkii muhiimka ahaa ee Bileyska Soomaaliyeed Aaway?

Booliska Soomaalida ayaa ah kuwo cabsi ka qaba in aysan si buuxda arrimaha dadweynaha u dhex gelin maadaama dalku uu gebigiis ku jiro xaalad amni xumo ah.

Booliska ayaa ah kuwo iska indha tira in ay waxqabad buuxa u muujiyaan degmooyinka Soomaalida mana jirto gargaar ay u fidiyaan rayidka, sidoo kale dadka ma weydiiyaan sharci. Marka ay timaado amniga guud booliska caasimadda Soomaaliya ma ay heystaan amar ah inay dadweynaha ka dhaadhacsiiyaan in iyaga loo yimaado oo qeyb ay ka yihiin amniga, isa soo dacweynta, deg deg wax uga qabashada dacwadaha..iwm.

Waxaa intaa dheer ciidammada boolisku ma kala jecla haddii ay dacwado fur-furaan iyo haddii kale sababtoo ah mushaharkooda waxaa bixiya hey’adda UNDP oo raggu waa nimad hey’ad u shaqeeya, hadaba su’aasha meesha taalla ayaa ah.

Boolisku ma waxa ay noogu joogaan in ay ‘Heeso inoo Qaadaan, xilliga xafladaha ay dhigayaan’?

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Dowladda Oo Ciidamo Wata Gaadiidka Dagaalka U Dirtay Gobolka Shabeellada Dhexe
- Aug 16, 2018
Afrikada, Shabeellooyinka:   Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo Xooggan iyo Dabaabaadka Dagaalka u daabushay ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 15/08/2018
- Aug 16, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
%d bloggers like this: