Mareykanka Oo Qiray In Howsha AMISOM ee Soomaaliya Ay Muhiim U Tahay dalalka kale ee Afrika | Afrikada

Mareykanka Oo Qiray In Howsha AMISOM ee Soomaaliya Ay Muhiim U Tahay dalalka kale ee Afrika

Afrikada, Jinja: Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Cirka ee dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Sarreeye Guuto William Prendgast waxa uu munaasabad caalami ah ka sheegay in Soomaaliya ay muhiim u tahay amaanka bariga Africa xili lagu soo gebagebeynayey Carbiskii Milliteri ee dhawaan lagu soo gebagebeeyey magaalladda Jinja ee dalka Uganda.

William Prendgast ayaa ka mid ahaa madaxa wafdigii milliteriga Mareykanka uga qeyb galay Carbiskii Ciiddamo ka socday dalalka Bariga Afrika iyo kuwo Reer Galbeed sida wadajirka ah ugu sameeyeen Uganda.

Waxa uu tilmaamay inuu Carbiskaasi ahaa mid muhiim u ah hawlgalladda Wadajirka ee lagu soo celinayo Ammaanka Mandiqadda Geeska Afrika.

“Ammaanka Somalia waa Ammaanka Bariga Afrika, wuxuuna muhiim u yahay Hawlgalladda Wadajirka ee lagula dagaalamayo Colaadda Xag-jirayaasha” ayuu yiri Sarkaalkaasi oo intaasi ku daray in Carbiska laga kororsaday Aragtida Ammaanka Somalia iyo Xilliga Kala-guurka ee ay Hawlgalka AMISOM ku wareejinayaan Ciiddanka DFS hawlaha sugidda Ammaanka iyo Nabadda Somalia.

Jeneral William Prendgast waxa uu xusay in Hawlgalka AMISOM qeyb ka yahay Dhismaha Deganaanshaha iyo Nabadda Qaaradda Afrika.

Sareeye Guuto William Prendgast .

Dhinaca kale, Taliye-xigeenka Ciiddanka Uganda, Jeneral Wilson Mabadi oo ka hadlay Munaasabadda lagu soo xiray Tababarka Ciiddamadda ayaa sheegay in Hawlgalladda Isku-dhafka ee lagu taageerayo Nabadda aysan ka macaashaynin Somalia oo keliya, balse ay faa’ido u tahay dalalka caalamka ee ay colaadaha iyo iska horimaadyada ka jiraan.

READ MORE:  DAAWO Cabdiweli Gaas Oo Si Xun u Bahdilay Farmaajo & Khilaafkii dhex maray mas'uuliyiinta dalka?!!

Carbiska Milliteri ee Sannadlaha ee dhawaan lagu soo gebagebeeyey dalka Uganda ayaa la sheegay inay dulucdiisa ku jiheysnaa u diyaargarowga Xilliga Kala-guurka ee ay Ciiddanka AMISOM ugu wareejinayaan Ciiddanka DFS sugudda Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

Tababarkaasi oo socday muddo 12 maaalmood ah, waxaa ka qeyb galay ciiddamo tiradoodu dhamayd 180 Askari oo ka kala socday dalalka Uganda, Somalia, Maraykanka, Rwanda, Britain, Holland, Talyaaniga, Burundi, Kenya iyo Tanzania.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->