Faahfaahin:Nin Bajaajta Ka shaqeysta Oo la toogtay | Afrikada

Faahfaahin:Nin Bajaajta Ka shaqeysta Oo la toogtay

Afrikada, Muqdisho: Faahfaahino dheeraad aha ayaa ka soo baxaya kadib markii maanta la toogtay wiil da’ dhexaad ah oo Mootada 3-lugaaleyda ah ee Bajaajta uga dhex shaqeysanayey magaalada Muqdisho.

Ninka Bajaajlaha ah ayaa lagu dilay degmada Hodan gaar ahaan Bar kontorool oo ciidanka xasilinta ay ku leeyihiin halka loo yaqaano sarta Seybiyaano.

Dadka degaanka ayaa waxa ay inoo sheegeen dilkan inuu yimid kadib markii askartii joogtay Barta oo ciidan ay Mooto Bajaajlaha ku amreen inuu istaago balse uu maqli waayay, sidaasina ay rasaas ugu fureen.

Wiilka dhalinyarada ah ayaa dhaawac ahaan goobta looga qaaday, kadib markii laba xabadood ay kaga dhacday dhabarka, iyada oo markii dambe uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Magaalada Muqdisho lagama jecla mootooyinka yar yar ee Bajaajta waxaana askartu ay ka cabsi qagaan in meelaha ay joogaan la keeno bajaajtan kadibna iyaga lagu qarxiyo, waxaa sidoo kale ay ciidammadu ay aad uga taxadarayaan ammaanka guud iyadoo cidii iska dhegatirta u arkay in uu yahay nabad-diid.

READ MORE:  LA YAABKA:Tartanka Eeyga Ugu Foosha Xun Adduunka Oo lagu Qabtay San Franciso

Dadwayne goob joogayaal (Witness) ayaa sheegay in ninkan la dilay uu sababsaday gacanta nin kale oo ay wada shaqeyn kala dhexeysay, balse uu muran soo kala dhex galay.

Mid ka mid ah ehelada Marxuumka la dilay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maalmahanba marxuumka uu dacwad ka ahaa ninka wax gowracay oo la sheegay inuu baxsaday.

Dilalka loo geysto wadayaasha Bajaaj-ta ayaa ku soo badanaya caaimadda Muqdisho iyada oo dowladdu aaney weli wax tilaabo ah ka qaadin arrinkaan.

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO Somaliland oo ka carootay RUQSADII la siiyey Maraakiibta Shiineyska Iyo Shiinaha Oo Kalluunka ka Iibinaya Kenya?
- Dec 12, 2018
Afrikada, Hargeysa: Kadib markii dowladda Soomaaliya ay ruqsad siisay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ...
Hogaamiyeyaasha Isbedelka Waqtiga dartiis loogu kacsan yahay Caalamka AKHRISO!!!
- Dec 12, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli kala guur ah oo dowlad kasta ay soo bandhigeyso wixii ay ...
DHAGEYSO: Xildhibaanadii Mooshinka keenay Amar ku bixiyey in Farmaajo uusan dalka ka bixi karin?
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa goor dhow soo saaray ...
Gudoomiye Mursal Oo gurigiisa laga jaray Korontada, Biyaha iyo Cuntada?
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal ayaa go'aan ku gaaray in uu ...
Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Oo loo Ogolaaday In ay la Kulmaan Gudoomiye Mursal
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaliya ee iyagu hogaaminaya aqlabiyadda inta badan ee ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->