Dowladda Bishaar Al-Asad Oo sheegatay gobollo hor leh oo ay isku balaarisay | Afrikada

Dowladda Bishaar Al-Asad Oo sheegatay gobollo hor leh oo ay isku balaarisay

Tiro dhulal ah oo ay mucaaradku hore u heysteen ayaa galay gacanta dowladda wadanka Suuriya maalinimadii Axada.

Dowladda Suuriya ayaa dib u qabsatay dhulalkaasi waxaana ay ku gaartay tillaabooyinkaasi ciidammda iyo khubarada Raashiyanka ee dowladda heshiiska kula jira oo qandaraasyadooda guulo waaweyn ka gaaray.

Sida ay sheegtay hey’ad la socota xaalada dagaallada waxaa jira wadahdallo hoos u dhigay dagaalladii mucaaradku ku hayeen dowladda Al-Asad.

Saraakiisha dowladda iyo khubarada Ruushanka oo iskaashanaya ayaa waxa ay wadahadallada ku gaareen in ay mucaaradka kala heshiiyaan in ay ka baxaan 4 xaafadood iyo magaalada dhanka dagaalka ku wanaagsan ee xuduudda la leh wadanka Joordan.

Tani ayaa awoodda dowladda ku soo dareysa boqolkiiba lixdan dhulalka gobolka Koonfureed ee Daraa, sida ay sheegtay hey’adda dhanka aadmiga u qaabilsan wadanka Suuriya ee ‘The Syrian Observatory for Human Rights’.

Tani iyo bishii Juun 19-keedii xoogagga Ruushanku taageero ee dowladda Suuriya ayaa sii siyaadisay duqeymaha dhanka cirka ee dagaallada ay kula jirtay jabhadaha dhanka Koonfureed ee wadankaasi Suuriya, iyada oo caasimadda Dimishiq ay xoogga saareysay in ay dib ula wareegto degaannada Koonfurta wadanka ee ku jirey gacanta mucaaradka.

READ MORE:  Itoobiya Oo Haweenay Garsoore ah U magacowday Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalkaasi

Heshiis xabad joojin ah oo dhacay Sabtidii la soo dhaafay ayaa u muuqday mid dejiyay xaaladii lagu jirey ee gobolka iyadoo laga joojiyey diyaaradihii duqeynta wadey iyo culeyskii saarnaa gobolka.

Laakiinse iska horimaadyo ka qarxay hal aag ayaa keenay dhimashada ugu yaraan 17 isugu jirta mucaaradka iyo ciidammada dowladda, sida uu xaqiijiyay Mr. Rami Abdel Rahman oo ah madaxa hey’ada dusha kala socota dagaallada wadankaasi Suuriya.

Gobolka Daraa ayaa xuduud la leh wadanka Joordan iyo buuraleyda ay xooga ku heysato Israa’iil ee Golan Heights, waxaana la aaminsan yahay gobolkani in uu yahay halka uu ka soo askumay kacdoonkii ka dhanka ahaa madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad kaasi oo dhacay 7 sano kahor isla markaasina u xuubsiibtay dagaal sokeeye oo lagu hoobtay.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->