DAAWO:Dagaalkii Ugu Xumaa Oo Soconaya Iyo Jilbaha Dhulka la isku Dhigayo TUKARAQ | Afrikada

DAAWO:Dagaalkii Ugu Xumaa Oo Soconaya Iyo Jilbaha Dhulka la isku Dhigayo TUKARAQ

Afrikada, Tukaraq: Wararka inaga soo gaaraya aagaga hore ee degaanka Tukaraq ayaa sheegaya in halkaasi uu ka soconayo dagaal xooggan kadib markii maalmo halkaasi lagu soo daabulayey ciidamo kala duwan oo labada dhinac ah.

Weli lama soo cadeyn khasaaraha dagaalka haatan soconaya waxaase la soo sheegayaa in gawaari badan la iska gubay iyadoo ay maamulka Puntland xirteen goobo badan isla markaasina ay isku dayayaan in ay gudaha u galaan degmada Tukaraq, halkaasi oo ay fadhiyaan ciidamo xoog badan oo ka socda dhinaca Jeegaanta.

Saxafiyiinta goob jooga ah ayaa soo werinaya in deegaanada Gambara iyo God-Qaboobe oo ah talisyada ugu waa weyn ee labada dhinac in ay ku arkayaan diyaar garoow dagaal oo ay wadaan dhinacyadu, waxaana uu sheegay in madaafiicdii saaka aroortii la isdhaafsanayey ay ahaayeen kuwa dhinacyadu is tusinayaan farsamadooda ridada fog.

Wararkii ayaa sheegaya in madaafiicda oo ay is dhaafsadeen labada dhinacba khasaare ka soo gaaray dhinaca Somaliland, waxaana la geeyey deegaanka Gooja-Cade dhaawaca labo askari oo katirsanaa ciidamada Somaliland oo kusugnaa meel uu dab ku qabsaday baabuur kuwa gaashaaman ee maamulkas kamid ah.

READ MORE:  Madaxweynaha Oo Ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon

Goobjoogayaal kusugan agagaarka Tukaraq ayaa sheegay in xaaladdu ay aad isku bedeshay, xaaladduna ay faraha kasii baxayso, waxaana hadda cabsi weyn laga qabaa dagaal toos ah.

Puntland waxay ku hanjabtay dagaal toos ah, oo ay dib ugu qabsanayso deegaanada gobalka Sool, wixii ka dambeeyey markii ay ciidamada Somaliland soo galeen gudaha Tukaraq.

Somaliland waxay sheegtay in ay leedahay Sool oo uu dhulkeeda ka mid yahay oo aysan aqbali doonin in faragalin uga timaado dhinaca Puntland.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->