SAWIR: Axmed Madoobe Oo ciidammada Jubaland Gudoonsiin doona Darajooyin Heer Qaran
Afrikada, Jubaland: Hogaamiyaha taliska Jubbaland state mudane Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” ayaa amar deg deg ah ku siiyey gudiga qiimaynta darajooyinka ciidamada Daraawiishta in ay qiimeyn ka soo sameeyaan dhammaan degaannada Jubbaland ee maamulkaasi ka arrimiyo.
M/weyne Islaam Madoobe ayaa sheegay in muddo ay u xayirnaayeen darajooyinka siidamada SNA si iyaga loo dalacsiiyo kadibna Daraawiishta la dalacsiiyo.
SAWIRKA CIIDAMMADA:
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in muddo dheer kadib ay lagama maarman noqotay in la dalacsiiyo qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada iyo Askarta dhamaan Degmooyinka Jubbaland ka howlgala iyadoo qaybtii ugu horaysay qiimaynta guddiga ay ka bilaabeen magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah waxaana ay tagi doonan dhowaan Gobolka Gedo iyo Degmooyinka kale ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ugu danbayntii Madaxweynahu wuxuu ugu baaqay Dowlada Federaalka ah in ay bixiso darajooyinka Ciidamada SNA ee ka howlgala Jubbaland.
Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com
<