Ex-RW ku xigeen Maxamed Cumar Carte: “Waa wax laga xumaado in Dowlada hada jirta ay joojiso mashaariicdii Somali-land” | Afrikada

Ex-RW ku xigeen Maxamed Cumar Carte: “Waa wax laga xumaado in Dowlada hada jirta ay joojiso mashaariicdii Somali-land”

Afrikada, Muqdisho: Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay majo-xaabisay dadaaladii iyo wada hadaladii muddo u soo socday dhinacyada Soomaaliya iyo Somaliland.

Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in dowladdii rasmiga aheyd ee la soo dhisay 2012 ay wada hadal la bilowday Somaliland, isagoo xusay in heshiiskii bishii January sanadkii 2014 lagu saxiixay Istanbul uu qeexayay in la sii wado wada hadalada, lagana dheeraado wax kasta oo abuuri kara khilaaf, isla markaana aan la siyaasadeyn barnaamiyada horumarinta iyo kuwa bani’aadanimada.

“Waxaa wax laga xumaada ah, in maanta iyada oo dedaal badan la geliyey in la soo gaadhsiiyo heer laga wada hadli karo midnimada, in ay dawladda maanta jirta mijaxaabisay dedaalkii loogu jiray in Somaliland iyo Somalia ka heshiiyaan wada-hadaladaas ka dib markii ay ka gaabisay sii wadidda wada-hadaladii, isla markaana joojisay mashaariicdii horumarineed ee waxtarka u ahaa nolosha Shacabka Somaliland. Ka dib markii aan la tashaday siyaasiinta iyo shacabka midnimo-doonka ah, ee muddada badan u soo dhabar-adaygay dib-u-soo-celinta qarankii”ayuu yiri Maxamed Cumar Carte

READ MORE:  Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Si Kedis ah Ku booqday degaanka Baar Sanguuni DAAWO SAWIRADA?

Waxaa uu ugu baaqay Madaxweynaha iyo Xukuumadda maanta jirta tallooyin ka kooban saddex qodob:

  1. In Dawladdu dib-u-bilwdo oo dardargeliso wada-hadaladii socday ee Somaliland iyo Somalia.
  2. In Dawladdu qaadato mas’uuliyadda ka saran sii wadidda heshiisyadii horrumarineed ee beesha caalamku ku taageeraysay Shacabka Somaliland, meeshana laga saaro caqabadaha jira.
  3. In xallinta collaadda ka taagan Tukaraq dawladdu u marto wada-hadal iyo hab nabadeed. Illaahay khayrka ha ina waafajiyo sannadkan sanaadkiisana ha nagu gaadhsiiyo nabad iyo bashbash iyo barwaaqo.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DHAGEYSO: Dhexdhexaadin laga dhex wado kooxaha Al Shabaab Iyo Mas’uuliyiinta Beled-Xaawo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaaladda amnigu ay ...
DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Oo Shaaca ka Qaaday in Itoobiya Cadow aheyd 30-sano ka hor, balse ay Jiilka Cusub Cadowtooyada ku bedeli doonaan Nabad iyo Barwaaqo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hogaamiyaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18
- Nov 15, 2018
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18 HALKA HOOSE KA DAAWO:
Jeneraallo ka tirsanaa millitariga Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay hubka sharci darrada ah U soo Daabuli jireen Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu ...
Xulka Itoobiya Oo 4-0 ku dhuftay xulka Qaranka Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->