UN-ka Oo Soo Bandhigay Tirada Dadka Ku Barakacay Colaadaha Tuka-raq | Afrikada

UN-ka Oo Soo Bandhigay Tirada Dadka Ku Barakacay Colaadaha Tuka-raq

Afrikada, Tukaraq: Peter De Clerk ku xigeenka ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada ka deegaanka deegaanka Tuka-raq ee gobolka Sool.

Peter De Clerk ayaa ugu horayn si weyn uga hadlay xaalada bani aadaminimo ee ka taagan deegaanka Tuka-raq ee ay ku dagaalameen somaliland iyo maamulka Puntland ee ka tirsan soomaaliya waxaanu yidhi “Ugu horayn waxaan odhan lahaa gobolada Sool iyo Sanaag waa meelo ay ka jiraan kacdoonada dagaal iyoxaalado bina aadaminimo, waxaanay ka mid yihiin meelaha kooban ee ka dib roobabkii wanaagsanaa ee dayey todobaadyadii la soo dhaafay ka sokow ay wali ka jiraan qalalaasuhu, sidaas darteed

Xaalada bani aadaminimo weli ma dagana xataa marka la eego khilaafka dagaal ka hor.” ayuu yidhi Peter De Clerk oo u waramay VOA.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Sidoo kale Peter De Clerk ayaa soo bandhigay tirada dadka ku barakacay dagaalka Tuka-raq waxaanu yidhi “Dagaalka waxa ku barakacay dad gaadhaya 12,500 oo qof kuwaas oo ay daryeelayaan hay’addaha gargaarku, markii ay barakacaan dadka aanay xaaladoodu sugnayn baahidooda bani aadaminimo way ka soo balaadhan tahay, Waxaan ugu baaqayaa labada dhinac ee is haya inaanay colaad kale hurin, taas oo abuuri karta qalalaase bani aadaminimo oo weyn.”

READ MORE:  DEG DEG:Al-Shabaab Oo Qarax Ku Gooyey Buundada Qoryooley

Sidoo kale Peter De Clerk ayaa si weyn uga dayriyey xaalada haatan ka taagan deegaanka Tuka-raq waxaanu yidhi “Xaaladu haatan way kacsan tahay, waxaanan fahansanahay inay sii kordhayaan tirada ciidamada ku sugan deegaanka Tuka-raq, waxaana jirtay in rasaas ay is waydaarsadeen labada dhinac todobaadyadii aynu soo dhaafnay laakiin khilaafka aanu ka cabsi qabnaa wali muu dhicin hase yeeshee xaaladu waxay ku dhaw dahay inuu khilaaf curto.”

Peter De Clerk ayaa sheegay inay caqabad tahay inaanay wali labada dhinac wada hadal waxaanu yidhi “Labada dhinac wali islama hadlayaan haday tahay dhinaca siyaasada iyo heerka farsamo ee saraakiisha milatariga, qalad yar ama is fahandaro yar oo dhacda ayaa keeni karta inay colaadu hurto, waxaana ka dhalan karta dhibaato laxaad leh oo bani aadaminimo.”

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:

Sidoo kale Peter De Clerk ayaa ka hadlay kulan uu la qaatay hogaamiyeyaasha Somaliland iyo maamulka Puntland, isaga oo labada dhinac u soo jeediyey inay wada hadlaan waxaanu yidhi “Waxaan labada dhinacba hogaamiyeyaashooda kula hadalnay khadka telefanka, manay ahayn mid ku kooban UN-ka balse waxa ay ahayd mid aanu la kaashanay xubnaha beesha caalamka, aniga ayaana booqday Garoowe iyo Hargeysa todobaadyadii la soo dhaafay waxaanan gaadhsiiyey dareenka beesha caalamka ee ku wajahan xaaladan gaar ahaan cawaaqibka bani aadaminimo ee ka dhalan kara, waxaanan ku boorinay labada dhinac inay sii wadaan xabad joojinta oo ah mid aan si rasmi ah layskula gaadhin, waxaanan u soo jeedinay inay wada hadlaan oo ay xaqiijiyaan in hay’addaha bani aadaminimo gaadhi karaan goobaha lagu dagaalamay.”

Peter De Clerk ku xigeenka ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya..

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->