La yaabka: Boqortooyada Dumarka Ee Shiinaha??

Iyadoo dunidan aynu ku nool nahay ay ka jiraan caadooyin iyo dhaqamo kala duwan ayaa waxaa hadana weli dunida lagu arki karaa waqtigan casriga ah caadooyin aad u yaab badan. Shiinaha oo ah dal aad u weyn dadkiisuna ku laba jibaarmaan dadyowga kale ee dunida ayaa waxaa ka jira caadooyin cajaa’ib ah.

Qabaa’ilka Masuo Waxa ay ka mid yihiin dadka fara ku tiriska ah weli heysta dhaqamada aadka u yaabka badan. Masuo waxa ay degaan buuraleyda ‘Himalayas’ waa qabiilo degan dalka China gaar ahaan deegaanka Yunnan, waxayna xad la leedahay Tibet. Tirada bulshadan ayaa kor u dhaafeysa 50,000.

Caadooyinka Bulshada Shiinaha ayaa aad u kala duwan, qabiilada Mosuo ayaa leh caado iyo dhaqan ay mudo dheer ku dhaqmayeen. Doorka Gabadha ayaa ah mid muhiim ka ah iyadoo maamulaysa, go’aanka leh arimaha oo dhan. Gabadha ayaa looga danbeeyo arimaha siyaasadda, xukunka, sharciga iyo akhlaaqda bulshada.

Ragga qabiiladan ayaan wax faro gelin ah ku lahayn arimhaasi waxa keliya ee ay qabtaan waa inay xoolaha qalaan, kaluumaysiga iyo inay doofarada xeryaha ku ilaaliyaan hawlahaasi oo aanay dumarku shaqo ku lahayn.

Looma ogola raggu inay guryaha kula noolaadaan dumarka waxa keliya ee loo ogol yahay inay habeenkii soo booqdaan.

Ragga ayaa ah kuwo la xaqiro iyadoo luqadda qabiiladan aanay ku jirin xataa kelmadda Aabo. Qabiiladan ayay gabadhu tahay tan keliya ee qoyska xukunka u haysa, hadii ay dhimato hooyada qoysku dhamaan xoolaha iyo maamulku wuxu ku wareegaa hablaha ay dhashay ragguna waxba kuma laha dhaxalka.

Qabiiladan macno weyn kuma laha guurku waxa keliya ee ninku rabaana waa inuu caruur dhalo.

Haweeney beeraley ah oo reer Moso ah


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Oromada Oo hareeraysay 200 Qof Soomaali ah+Soomaalida Oo U Qaxeysa dhanka saldhigyada milleteriga Itoobiya
- Jul 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:  200 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku xayiran degaanka Guji oo ...
AKHRISO: Askari Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Nin shacab ah U dilay Wax ka yar “HAL DOOLAR”
- Jul 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Nin hubeysan oo ku labisnaa dharka ciidamada dowladda ayaa dil ka geystay ...
Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo Wakiilka UN-ka Oo gaaray Gaalkacyo SAWIRRO
- Jul 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:    Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo uu ...
DEG DEG: Wariyeyaasha oo looga yeeray Xarunta Taliska Ciidamada…
- Jul 22, 2018
Afrikada, Garoowe:    Wararka anu ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa ...
DAAWO: Qiso Naxdin iyo Murugo leh: Mayd Nin Nool Dilay Sheeko Cibro Qaadasho leh
- Jul 22, 2018
QISO: Dhacdadani waxay ka dhacday degaanka Janaale ee Soomaaliya, nin wargaleen ah oo dhawr ...
%d bloggers like this: