DHAGEYSO: M/weyne Farmaajo Oo yiri: “Somaliland Waan la heshiinayaa, wadahadal ayaanu rabnaa” | Afrikada

DHAGEYSO: M/weyne Farmaajo Oo yiri: “Somaliland Waan la heshiinayaa, wadahadal ayaanu rabnaa”

Afrikada, Muqdisho:Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay inay dib u soo celiso wada hadaladii dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo sanadkii 1991-dii ku dhawaaqday inay tahay dal madax banaan.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay munaasabadda xuska 1-da Luulyo ayuu sheegay in Somaliland ay yihiin dad walaalo ah, balse duruufo iyo dhib badan soo maray.

“Somaliland waa dad walaalaheena, duruufo iyo dhib badan ayaa soo maray oo laga yaabo inuu nakala qeybiyo, dowladdan diyaar u tahay wada hadaladii soo celiso”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo sii hadlayay ayaa yiri “Dowladda waxay diyaar u tahay inay wada hadaladii soo celiso, inay si wanaagsan oo run ah oo xaqiiq loo wada fariisto Somaliland kalama maaranto, waa dad walaalo ah, waa dad wax walba aan wadaagno inaan umadda soomaaliyeed isku soo celino oo isku soo dunno oo walaaleyno ayaa qof walba oo Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta ay waajib ka saaran tahay”

READ MORE:  Madaxweyne Farmaajo oo mar kale martiqaad u fidiyay madaxda dowlad goboleedyada.

Soomaaliya nabad u baahan tahay, waxaa leeyahay arrimaha Tukaraq ka socda dadka Soomaaliyeed dhiiggooda ku daadanaya hala joojiyo, waxaa ku dhimanaya wiil Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in wada hadaladaas ay rajeynayaan in si kasta oo kalsooni lagu gelin karo ay sameyn doonaan, maadaama ay yihiin garab ka maqan.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa mar kale ku baaqay in la joojiyo Colaada Tukaraq iyo dhiigga ku daadanaya, isagoo xusay in Soomaaliya xilligan u baahan tahay Nabad.

Wada hadaladii dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa hakaday xilligii dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Xasan Sheekh, waxaana tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo qabsoomin wax wada hadal ah.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Xukuumadda Xasan Kheyre Oo kala boobeysa LACAGIHII DEEQDA SOOMAALIYA Guddiga La Socodka MAALIYADDA oo QEYLO-DHAAMINAYA?
- Nov 19, 2018
Afrikada, Muqdisho: arbixin rasmi ah oo ay soo saareen Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka Baarlamaanka ...
DEG DEG: Jubaland Oo Tiirka Geysay Askari dil u geystay Oday nabaddoon ahaa..
- Nov 19, 2018
Afrikada, Jubaland:  MIsmaamulka Jubaland ayaa maanta dil ku fuliyey nin lagu magacaabo Cabdirizaaq Cumar C/llaahi. Ninka ...
DEG DEG: Kooxo hubeysan oo caawa DIL NAXDIN LEH ka Geystay magaalada Muqdisho
- Nov 18, 2018
Wararka inaga soo gaaraya bartamaha suuqa bakaaraha ayaa sheegaya in caawa fiidkii bacdal salaatul ...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Oo ku sii jeeda Jubaland + Safarro uu ku mari doono dalka oo dhan?
- Nov 18, 2018
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Xisbiga UPD Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ...
DAAWO SAWIRADA: Dagaalamayaasha Al-Shabaab Oo Si Xoog ah Xoolo uga aruuriyey degaannada Galgaduud?
- Nov 18, 2018
Afrikada, Galmudug: Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee ismaamulka Galmudug ayaa sheegaya in kooxaha ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->