Subscribe

DHAGEYSO: “Dowlad waa jirtaa laakiin Xor Ma Nihin Al-Qaacida ayaa na heysata”

Afrikada, Muqdisho:Madaxweyanah dalka Soomaaliya mudane Farmaajo ayaa ka hadlayey munaasabadda maalinta xornimada Soomaaliya ahna maalintii ay midoobeen gobollada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed ee dalka.

Madaxweyne Maxamed Farmaajo ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab iyo Ururka ISIS in ay dhibaatooyin badan ay ka waddaan gudaha wadanka Soomaaliya, waxa uu farta ku fiiqay in ay labadaani urur ay khatar ku yihiin madaxbanaanida wadanka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Madaxweynuhu in Shabaab iyo Daacish ay adeegsadaan kaabo-qabiillo sidoo kalena ay lacago badan ku bixiyaan in ay helaan xogaha dowladda iyo sida Soomaalidu damacsan tahay.

Waxaa uu xusay Madaxweynaha in dadka Soomaaliyeed aysan xor aheyn Maadaama ay jirto Cabsi weyn oo ay ka qabaan Al-Shabaab iyo Daacish.

Dhinaca kale, iyadoo lagu jiro xuska maalinta xoriyadda oo dadku faraxsan yihiin ayaa hadana magaalada Muqdiho waxaa laga maqlayey hubka culus oo lagu duqeeyay goobo ka tirsan degmooyinka Muqdisho gaar ahaan xaafadda Wadajir.

Wararku waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay duqeyntaasi geysaneysay xilli ay dowladdu badankeed heyso gacan ku heynta magaalada caasimadda ah ee Xamar.

READ  DHAGEYSO: Banaanbax ka dhacay Qardho oo looga hadlay arrimaha Laascanood


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Dowladda Oo Ciidamo Wata Gaadiidka Dagaalka U Dirtay Gobolka Shabeellada Dhexe
- Aug 16, 2018
Afrikada, Shabeellooyinka:   Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo Xooggan iyo Dabaabaadka Dagaalka u daabushay ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 15/08/2018
- Aug 16, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
%d bloggers like this: