Subscribe

AKHRISO:Millteriga Kenya, Kuwa dowladda federaalka Iyo Al-Shabaab Oo iska kaashaday hal arrin??

Afrikada, Muqdisho: Waxaa faraha la iskula jiraa arrin cajiib ah oo ka socota Kenya. Sonkorta laga keeno Brazil ayaa 70 ganacsato ah lagu eedeeyay in ay u gooshiyaan magaalooyinka Kismaayo, Gaarisa, iyo Nairobi halkaasi oo ay ka faa’iidaan balaayiin doolar.

Siyaasiyiin sar sare iyo wasiiro ka tirsan dalka Kenya ayaa fooda is daray iyadoo siyaasiyiinta gobolka W/Bari Kenya ay iska fogeeynayaan waxa socda. Sonkortani la isku haysto ayaa qeybteeda kale waxa ay ka soo degataa magaalo xeebeedka Mombaasa taasi oo la sheegay in ay soo degsadaan ganacsato shatiyo u heysta soo dejinta sonkorta kuwaasi oo iyagana la sheegay in ay yihiin kuwo sonkorta dalka Kenya geliya.

Warbixin ay haatan shaacisay hey’ad Danish ah oo laga leeyahay wadanka Denmaark ayaa lagu sheegay in xaduudka Soomaaliya iyo Keenya uu yahay mid sonkor badan laga gooshiyo. Warbixintan oo la magac baxday Sweet secrets ee uu qoray Prof Jacob Rasmussen oo wax ka dhiga jaamacadda Roskilde University ee wadanka Denmaark ayaa ku eedeeysay saraakiisha dowladda Kenya in ay dayaceen doorkooda kaga aadan kontrobaanka ee gobollada dhanka Waqooyi ee dalkaasi Kenya iyo in dowladdu ay go’doon saartay gobollada Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya iyadoo degaannadaasu u go’doomeen wax kasta oo dhibaato kontrobaan ah ama kala gooshin ahi.

Warbixinta ayaa carabka ku dhufatay in gobernatoore hore isla markaasina siyaasi sare oo ka tirsan gobolka Waqooyiga uu ka tirsan yahay dadka la sheegay in ay ka ganacsanayaan kontorobaanka.

Inta sonkortu u socoto Kismaayo ayaa waxaa gawaari boqolaal ah ay sii qaadaan cuntooyinka Kenya iyo agabka Kenya laga soo saaro, balse marka ay gawaaridani xamuulku soo noqonayaan ayaa waxaa la sheegay in ay ku raran yihiin loorar sonkor ah oo sharci darro lagu geliyo dalka Kenya.

READ  XOG: Madaxweyne Farmaajo oo ka badbaaday qorshe lagu qaarajin rabay & Sirdoonka Dowladd Shisheeye ah oo ka dambeysa...

Baarayaasha ayaa sheegay in tiro darawallada gawaaridan xamuulka ay mas’uul ka yihiin dembigani dhanka kontrobaanka ah.

Warbixinta ayaa dhigeysa in ciidanka milliteriga difaaca Kenya, dhiggooda dowladda federaalka, iyo mintidiinta Al-Shabaab ay wada-shaqeeyn ka dhaxeyso oo weliba dhanka ganacsiga marka la yiraado si kal iyo laab ah ay u wada xamaashaan, tani oo warbixintu tiri wax ay leedahay cawaaqibteeda.

Dowladda Kenya ayaa sheegaysa in ay boqolaal milyuun oo canshuur ah ku weyso hey’adaha dhanka milleteriga iyo booliska iyo weliba laanta canshuurta ururisa ee KRA-da oo ku lug leh howlo aan loo dirsan oo si aan munaasab aheyn ay ganacsigaasi ula macaamilaan iyaga oo xamuulkaasi u ogolaada inay dalkeeda galaan.

Magaalada Kismaayo waxaa ay ku hoos jirtaa kontrolooka ciidammada difaaca Kenya ee loo yaqaan KDF tan iyo qabsashadii Kenya ku duushay gobolka Jubbaland ee sanadkii 2012, waxaana wixii intaa ka dambeeyay ay sonkortu soo martaa geyiga ay ka taliyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab iyadoo intaasi kadib u soo gudubta magaalooyinka Gaarissa iyo caasimadda Nairobi halkaasi oo sonkorta dib loogu sameeyo baceyn casri ah loona iibiyo sidii in gudaha wadanka Kenya laga soo saaray oo kale.

Suuq cajaa’b ah ayay leedahay waxaana ay u kala socotaa si aan caadi aheyn iyadoo iibsiga sonkortaasi uu aad uga socdo gobolka Soomaalida ee Waqooyi Bari iyo xeryaha qaxootiga, sida warbixintu shaaca ka qaaday.

Ganacsiga sonkorta ayaa ugu dambeyn noqday dagaal ay isku adeegsadaan siyaasiyiinta wadanka Kenya iyaga oo is-dhaaf dhaafsaday eedeeymo uu midba midka kale farta ku fiiqayo in uu isagu ka dambeeyo sonkor lagu soo dhex daray maadada sunta ah ee mercury.

Waxaa gudaha Kenya laga helay ilaa 1.2 milyan oo loor oo sonkor ah oo ay gacanta ku dhigeen booliska Kenya. Sonkortaasi oo dembi baarista Kenya ay ku qabatay magaalooyinka Nairobi, Kitui, Machakos iyo Migori xilli habeenimo ah.

READ  WAR DEG DEG AH: Bisha CiidulFitr Oo laga arkay wadammada Somalia, Nigeria, Sudan, South Africa, iyo Kenya.

Saraakiil sar sare oo madax ka ah hey’adaha kontroolka tayada badeecooyinka iyo kuwo kale oo badan ayaa dowladdu xabsiga dhigtay. Sidoo kale dowladda Kenya ayaa u hanjabtay in ay gacan bir ah ku soo qabaneyso dadka ka dambeeya soo gooshinka afarta dhinac sonkorta sumeysan laga geliyay dalka Kenya.

Muran culus ayaa dhex maray ragga ugu cul culus xisbiga talada haya ee Jubilee waxaana ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Freed Matiangi’ iyo hogaamiyaha Soomaalida Kenya Aadan Barre Ducaale kuwaasi oo midba midka kale diiradda saaray iyaga oo isku eedeeynaya in ay ogyihiin cida sonkorta soo sumeeysay kadibna gelisay suuqyada.

Dhinaca m/weyne ku xigeenka dalka Kenya waxaa taageerayaashiisa lagu eedeeyay in ay dalkaasi geliyaan sonkor, hase yeeshee taageerayaasha madaxweyne Uhuru ayaa la qariyey lagana aamusay in ay yihin ganacsato soo dejisa sonkorta.

Asbuucii tegay waxaa weeraro afka ah isku qaaday hogaamiyaha Soomaalida Waqooyi Bari Aadan Ducaale isla markaasina ah siyaasi ka tirsan xisbiga talada haya kuna lamaansan madaxweyne ku xigeenka dalkaasi, waxa uu Barre Ducaale ku eedayay dowladda in ay diiradda saartay dad yar oo Soomaali ah oo sonkorta miisaska ku iibiya halkii ay dowladdu eegi laheyd kuwa sida weyn uga ganacsada sonkorta.

Aadan Barre ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan meelo sonkorta lagu kala wareejisto oo ku yaal Nakuru iyo galbeedka dalkaasi, halkaasi oo uu sheegay in ay tahay suuqa sonkorta. Waxaana uu tilmaamay in aan Soomaalida oo aan waxba galabsanin iyaga oo keliya la soo far fiiqo.

Dhanka kale xildhibaan lagu magacaabo Cornelly Serem ayaa qeylo dhaamiyey isaga oo sheegay in madaxweynaha walaalkiis oo lagu magacaabo Muhoho, uu yahay nin soo dejiya sonkorta kana ganacsada.

READ  AKHRISO: Xildhibaan Aadan Ducaale Oo u digay dhallinta Soomaalida "War Hooy Dhaqankiina ha noqdo mid fiican, iska daaya Daroogada Iyo Shiishadda"

Ugu dambeyn warbixinta Prof Rasmussen ayaa waxaa maalgeliyay guddi lagu magacaabo ‘Danish Consultative Research Committee for Development (FFU) ‘ waxaana warbixinnada guddigaasi daabaca hey’adda ‘Danish Institute for International Studies and Centre for African Economics.’

Warbixintani oo aad u dheer ayaa waxa hey’adu tiri: “Gooshinta sonkorta ee dhanka xuduudka gobolka Waqooyi Bari waxa laga warhayaa in ay 20-meeyo sano soo jirtey sababo la xiriira dowladda Kenya oo cunaqabateyn ku heysa dhulalka Galbeedka. Waxaa halkaasi ka jira musuq maasuq iyo hab dayacaad ah, dhanka Galbedka Kenya haddii la eego waxaa dhiirigeliya tartan siyaasi ah oo ku saleysan cidii ku awood badnaan laheyd caasimadda Nairobi”

Ka hor intii aaney ciidammada Kenya qabsanin Kismaayo, Alshabaab macaashkeeda ugu badan waxa ay ka heli jirtey sonkorta , balse tan iyo intii sonkortu noqotay mid laga helo faa’iido badan ayaa waxaa u fududaatay in ay ganacsigeeda bilaabaan isla markaasina iyaga oo jidadka waaweyn ee degaanadooda jooga ay halkaasi canshuur badan ku soo rogaan.

Warbixinta ayaa sheegtay in sabab la xiriirta dowladnimadii Soomaaliya oo meesha ka maqan, in siyaasiyiinta degaannadaasi, ganacsato iyo maleeshiyo ay si wadajir ah u shaqeeyaan, ugu tartamaan, uguna gorgortamaan maamulista ciyaartani oo iyaga dhankooda u ah suuq ay aad ugu qanacsan yihiin.

Waxa ay warbixintu intaasi ku dareysaa in ku lug lahaanshiyaha ciidanka Kenya ay majaxaabineyso sharciyaddooda guud. Waxa sidoo kale ganacsigan uu kaalin weyn ka dheelaa amni xumada sii kordheya iyo deganaanshiyo la’aanta labada dhinac ee xuduudka Soomaliya iyo Kenya.

Waxaa Warbixintan Tarjumay Weriye Burhan Farah  ‘Burhan Piccolo.’


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Dowladda Oo Ciidamo Wata Gaadiidka Dagaalka U Dirtay Gobolka Shabeellada Dhexe
- Aug 16, 2018
Afrikada, Shabeellooyinka:   Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo Xooggan iyo Dabaabaadka Dagaalka u daabushay ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 15/08/2018
- Aug 16, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
%d bloggers like this: