Subscribe

“5 Qodob Oo aan muujineysa in Farmaajo Uu yahay Halyeey Qaran” Micheal Keating

Afrikada, Muqdisho: Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad-guurada 58aad ee ka soo wareegtay madaxbanaanida dalkooda.

“Hambalyo! Tani waaa maalin aad ugu weyn dhammaan dadka Soomaaliyeed, ee ku nool wadanka iyo dunida dacaladiisa, In kastoo ay jiraan dhibaatooyin badan oo ay sii wajahayaan wali, haddana Soomaalida waxay ku faani karaan horumarka la sameeyay,” ayuu yiri Mudane Keating.

“Dabaal-deggani wuxuu kusoo aadayaa xilli ay jirto fursad siyaasadeed iyo rajo badan oo laga qabo nabadgalyadda iyo mustaqbal wanaagsan.”

“Waxaan si diirran u amaanayaa Madaxweynaha, Ra’iisul iyo dowladdiisa inay ka go’an tahay in ay dib u habeyn ku sameeyaan dhan kasta ha ahaato dhaqaalaha, amniga ama arimaha siyaasadeed, waxayna ku boorinayaan dhammaan hoggaamiyeyaasha, ha noqdaan qaybaha dadweynaha guud ama qaybaha gaarka ah, in ay la shaqeeyaan iyaga si ay u gaaraan natiijooyinka {Himilooyinka} dadka. Gaar ahaan dhalinyartu waxay ka rajeynayaan hoggaamiyayaashooda wadanka shaqooyinka iyo fursaddo, xasilooni xag amniga ah iyo helitaanka adeegyada kale.”

READ  DEG DEG:Xaaladda Laas-Caanood Oo aad u kacsan+Kacdoon jira iyo Waraaqo lagu daadiyey Suuqyada

“Wax badan ayaa laga guul gaaray 12 bilood ee lasoo dhaafay. Waxaa laga hortegay in ay dillaacdo macluul soo fool lahayd dalka, iyadoo la kordhinayo dakhliga iyo deeqaha, loo marayo sharciyo muhiim ah iyo iyado la cadeynayo xirirka shaqo ee ka dhaxeeya Xukuumadda federalka iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda, iyadoo ay sii dheertahay dib u eegista dastuurka iyo hanaanka doorashooyinka, iyo dib u habeynta qeybaha amniga”

“Wadada horteena ah waa mid aad u dheer, caqabadahuna waa in aan la dhayalsan, ugu yaraan awoodda burburinta rabshadaha xagjirnimada iyo khatarta khilaafka siyaasadeed iyo khilaafaadka kale waxay wiiqi doonaan dadaalada lagu doonayo in lagu gaaro natiijooyin faa’iido u leh Soomaalida. Laakiin ajandaha ay dawladdu samaysay waa mid wanaagsan oo u qalma midnimada qaranka iyo taageerada caalamka waqtigan.

“Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka waxay si dhow ula shaqaynayaan dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada si ay uga caawiyaan in ay gaaraan natiijooyinka, oo ay ugu muhiimsan yihiin Amniga, Shaqooyin iyo Adeegyada kale, iyo in la sameeyo arimahan si ay u xoojiso nidaamka sharciga, wadajirka iyo isla xisaabtanka. Qaramada Midoobay waxay u soo jeedineysaa sanad guuradan iyadoo u rajeyneysa midnimo dhammaan umadda soomaaliyeed sanadyada soo socda.”


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Dowladda Oo Ciidamo Wata Gaadiidka Dagaalka U Dirtay Gobolka Shabeellada Dhexe
- Aug 16, 2018
Afrikada, Shabeellooyinka:   Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo Xooggan iyo Dabaabaadka Dagaalka u daabushay ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 15/08/2018
- Aug 16, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
%d bloggers like this: