PROF. DALXA: “Kuwaan Dowladdii Xasan Sheekh Waa ka sii Liitaan, Waanse la Ogeyn” | Afrikada

PROF. DALXA: “Kuwaan Dowladdii Xasan Sheekh Waa ka sii Liitaan, Waanse la Ogeyn”

Afrikada, Muqdisho:Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee dalka ayaa Sheegay in Farmaajo iyo Kheyre aysan wax tixgelin ah u heynin dastuurkii ummadda Soomaaliyeed loo dejiyay.

Dalxa ayaa kooxda FARMA-KHEYRE ku eedeeyay in ay fargalin ku hayaan Howlaha Golaha Shacabka Soomaaliya taasi oo ka hor imaanaysa Dastuurka iyo Xeerarka u yaal Dalka.

Prof. Dalxa ayaa Sheegay Wararka Sheega in 4-bilood laga dhigay Fasaxa Baarlamaanka ay muujinayaan in fargalin Sharci daro ah lagu hayo Howlaha Baarlamaanka arintaasi oo ay ku lug leeyihiin Madaxda sare ee Dowladda si aan loogula Xisaabtamin howlaha ay Qaranka ay u hayaan.

Sidii loogu doortay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo horey ugu mid ahaa Xukuumada R/wasaare Khayre Baarlamaanka wuxuu noqday Meel laga Maamulo Xafiiska R/wasaare Khayre.

Warar hoose ayaa isweydiinaya in ay kooxda FARMA-KHEYRE ay jecel yihiin in tobanaanka sano ee soo socota ay iyaga dalka maamulaan, xilli aanay ummada waxba tarin in ay dhib u soo jiidaan mooyee.

Waxa ay la heshiiyeen dalal go’doonsan, waxaana ay kicin waayeen Shabaab iyaga oo wax ka dhimay waxyaalihii Xasan Sheekh meesha uga tegay, sida heshiiskii xulafada Sacuudiga oo ay dhulka ku dhufteen iyo shirkii madasha Wadatashiga oo ay ka faaneen tani oo soo celisay in gobolladu is-xulufeystaan ama noqdaan kuwo gooni midkasta afka u buuro.

FARMA-KHEYREYAASHA ayaa sidoo kale weli hurinaya colaadaha Somaliland iyo Soomaaliya iyaga indhaha ka eegaya islamarkaasina garan waayey in ay guddi dhexdhexaadin ah ka gaarsiiyaan dhiigga ku daadanaya Tukaraq.

Prof. Dalxa ayaa shacabka soo xusuusiyay sidii uu Farmaajo xilka ugu awoodsheegtay Jawaari xilli uu Prof.Jawaari ku calaacalayey ‘War dastuurka ii soo mara’ isaga oo erey afka ah xilkii baarlamaaniga ahaa uga xayuubiyay, taasi oo Farmaajo loogu sabray.

Dad badan ayaa aaminsan in Farmaajo loo xiiseynayo in uu yahay calaamad la isku ilowsiinayo ‘xasuuqii 1991-kii’ laga galay beeshiisa balse haatan aysan dowladiisu waxba dhaamin tii Xasan Qoslaaye, in ay kaba sii liidato mooyee.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho
- May 14, 2019
Afrikada, Muqdisho: Qarax ayaa ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir waxaana la sheegay ...
Askari Uganda u dhashay oo dilay taliyihiisii kadibna isagii is-dilay
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Mid ka mid ah ciidammada wadanka Ugaandha ee ku sugan magaalada ...
DAAWO: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Fashil weyn ku tilmaamay Shirkii Garoowe
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay afka qabsadeen mucaaradka badanaa dhaliila dowladda federaalka ayaa hadana ...
Axmed Madoobe oo ka huleelay shirkii Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynaha ismaamulka Jubaland ayaa ka huleelay shirkii magaalada Garoowe uga socday ...
PRESS RLS: Axmed Ducaale Xaaf oo isaga baxay shirka Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: War-saxaafadeed ka soo baxay ismaamulka Galmudug ayaa looga hadlay kulan in ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->