Maxkamadda Cadaaladda Oo soo afjartay dacwadii u dhaxeysay Qadar iyo Imaaraadka Carabta.
Àfrikada, The Hague: Wararka ka imaanaya wadanka Holland ayaa sheegaya in ay soo gebageboowday dacwadii ay dowladda Qatar ku soo oogtay dalka Imaaraadka Carabta ee ka socotay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee Hague, dalka Holland.
Waxaa dacwadda guddoominaya Guddoomiyaha Maxkamadda cadaaladda ee Qaramada Midoobey garyaqaan Cabdi Qawi Ahmed Yuusuf.
Dowladda Qatar ayaa dagaalkii ugu horeeyay ee sharciga ahaa ku furtay dalka Imaaraadka iyadoo ku soo eedeysay tacadiyo ay kula kacday dadka reer Qatar ee deganaa Imaaraadka, xadgudub xuquuqda aadanaha ah, xayiraad iyo olole sumcad dilis iyo dembiyo kale oo lagu soo eedeeyay Imaaraadka oo hormuud u ahaa dalalkii xayiraadda kusoo rogay Qatar.
Maalinti
Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com
<
Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)
Comments are closed.