DAAWO:Itoobiya Oo Shidaalkii ay ka heshay Ogadeniya U Iibgeynaysa Dibadda???? | Afrikada

DAAWO:Itoobiya Oo Shidaalkii ay ka heshay Ogadeniya U Iibgeynaysa Dibadda????

Afrikada, Addis Ababa: Waxaa muddo la qarinaayey in shaaca laga qaado in shidaal qodista kilinka 5-aad la dhameystiray. Itoobiya ayaa sheegtay in shidaalka Soomaaliya ay ka heli doontao malaayiin doolar. Abiy Ahmed Oo hadlay ayaa ka dhawaajiyay in Itoobiya ay tallaabsatay shidaalkanina ay ka dhoofin doonto dekadda Jabuuti.

Shidaalka gobtaasi ceegaaga ee ay heshay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ee lagu magacaabo Poly-GCL ayaa waxaa lagu qiyaasay 6 ilaa 8 Trillion Cubic Feet.

Shidaalka ceyriin ee goobtaasi laga helo ayaa waxa lagu wadaa in loo safriyo magaalada Addis Ababa iyo qaybaha kale ee dalka Itoobiya si gudaha loogu sifeeyo inta lagu guda jiray tijaabada.

“Waxaa muhiimka ah ayaa waxa uu yahay qaabka uu wadanka u isticmaalayo kheyraadka, Waa qasab in aan isku raacno in si xaq iyo sinaan ah loo qaybsado kheyraadka,” ayuu yirirai’sul wasaare Abiy Ahmed.

Raisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa intaa ku daray in kheyraadka la helay uusan noqon mid horseeda khilaaf iyo dagaal sida ka dhacday dalalka qaar. “Mararka qaar kheyraadka ayaa horseeda dagaal sida ka dhacday dalalka kale,” ayuu yiri Dr Abiy.

READ MORE:  XASAASI:Sidee bay Qadar Ugu guuleysatay in ay Madaxweyne Goboleed U Caleemo-Saarto Ninkii argagixisada ahaa ee Mukhtaar Roobow?

Waxaa sidoo kale shaaca laga qaaday in dhismaha dhuumihii qaadi lahaa shidaalka oo ku xiraya ilaa Jabuuti uu bilaabanayo bisha September, Dhoofinta shidaalka ayaa lagu wadaa in ay bilaabato sanadda 2021.

Saliidani ceyriin ayaa waxaa la filayaa in sanadaha ugu horeeya ay Itoobiya ka hesho dhaqaale dhan 1.2 bilyan oo doolar, Balse dhaqaalaha ka soo baxa ayaa si tartiib tartiib ah u kordhi doona waxaana lagu wadaa in uu gaaro 7 bilyan oo doolar.

Cabdi iley iyo Shiineyskii Shidaalka qoday oo kor u haya ‘Saliida Ceyriin’ qeybteedii ugu horeysay ee laga helay dhulka Soomaaliyeed ee Xabashidu gumeysato.

Dhanka kale ONLF oo ah jabhad ku kacsan dowladda Itoobiya ayaa dhawaaqday waxana ay tiri: “Iyadoo aan la xallinin is afgaranwaaga muddada dheer soo taagnaa iyo arrinta siyaasiga ah ee dhextaalla Soomaalida Ogaadeenya ku nool iyo Itoobiya in hantidoodii loo gacan dhaafo oo lagu quudiyo dad kale oo Itoobiyaan ah waa gacan dhaaf waana diidannahay”

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->