Harada Lake Turkana oo lagu tiriyey meelaha wajahaya halista ugu badan | Afrikada

Harada Lake Turkana oo lagu tiriyey meelaha wajahaya halista ugu badan

Shir ay qabatay hey’adda UNESCO ayaa maalintii Khamiista waxaa harada Lake Turkada lagu daray liiska harooyinka caalamka ee khatartu ku soo wajahan tahay.

Hey’adda UNCESCO guddiga u qaabilsan goobaha dhaxalka dabiiciga ah ayaa ka hadlay sida ay u wanaagsan tahay in la daneeyo qaabka uu saameynta ugu yeelanayo Daamka Itoobiya ee Gibe III kaasi oo ay Haradu u darsanto.

“Saameynta soo socota ayaa hanjabaad weyn ku ah goobtani UNESCO ugu jirta liiska meelaha khadiimi ah ee caalamka.” ayaa lagu yiri warbixinta hey’adda oo laga soo saaray wadanka Baxreyn.

Waxa harada Turkana ay dhacdaa Waqooyi Galbeed Kenyawaxaana loo yaqaan “Jade Sea.” Harada Turkana waa harada ugu Cusbada badan Bariga Afrika, iyadoo ah harada keliya ee caalamka oo dhan ka jirta ee ku taal meel saxaro ah.

Jasiiradaheeda ayaa waxaa ay yihiin goobo ay ku koraan yaxaasyada webiga Niil, waxaan sidoo kale ku dhala xayawaanada ay ka mid yihiin jeerta, iyadoo ay halkaasi ka soo farcameen noocyo badan oo masaska ah.

Waxa ay Harada Turkana ay muhiim u tahay in ay u haajiraan shimbiraha. 

Goobta Harada Turkana ay ku taallo ayaa waxaa suuro gal noqon karta in ay tahay (Sida looga shakisan yahay) meel bani’aadamku ka dhashay ama isku soo dhal dhalay quruumo ka hor, iyada oo ay si gaar ah uga baxaan geedaha xabagta iyo luubaanta.

READ MORE:  Theresa May oo si yaab leh u tiri: "Waa la wada Ogyahay in aan Annagu HITLER ka xoreynay gumeysigii uu ku haystay YURUB oo dhan"

Waxa uu degaankani harada Turkana uu ka tirsan yahay meelaha waayihii hore aadmigu ku noolaan jirey. Waxaa laga helay lafaha ‘Hominins’ oo ah xayawaan bani’aadamka aad ku bah ah. Waxaa sidoo kale laga helay haraadi ka haray nooleyaal harada ag deganaa kuwaasi oo 4 milyan ilaa 1 milyan oo sano ka hor halkaasi ku noolaan jirey kuwaasi oo loo yaqaan ‘Australopithecus’ oo ahaa bani’aadam u eke aad u caqli badan.

Dad badan ayaa ka cabsi qaba in haddii mashaariicda ku socota webiga Omo River ay sii socdaan in ay sababi doonaan in biyaha Harada Turkana ay is-dhimaan isla markaasina ay qalasho Harada Turkana,tani oo ka tarjumieysa musiibo dhanka degaanka ah sida horeba loo arkay baddii la oran jirey Aral Sea, ee batamaha Eeshiya ee qalashay, kadib markii webiyadii waraabin jirey loo leexiyay beero waraabin.

Goobta Harada Turkana ay ku taallo ayaa waxaa suuro gal noqon karta in ay tahay (Sida looga shakisan yahay) meel bani’aadamku ka dhashay ama isku soo dhal dhalay quruumo ka hor, iyada oo ay si gaar ah uga baxaan geedaha Beeyada, xabagta iyo luubaanta.

Waxa uu degaankani harada Turkana uu ka tirsan yahay meelaha waayihii hore aadmigu ku noolaan jirey. Waxaa laga helay lafaha ‘Hominins’ oo ah xayawaan bani’aadamka ku bah ah.

Homo erectus

Waxaa sidoo kale laga helay raqda ‘Homo habilis’ oo ahaa dad waayo hore jiri jirey kuwaasi oo sida daayeerka u eg balse u ugaarsada una deggan habka bani’aadamka degmada Haradu ku taallo ayaa baaritaannadii lagu sameeyay saliidda biyaha waxaa ay muujiyeen in noocyo ka mid ah bani’aadamka oo la dhihi jirey ‘Homo erectus’ kuwaasi oo waayo 1.6 milyan oo sano ka hor deganaan jirey markii dambena raqdooda laga helay qararka harada Turkana. Waxaana qoyskani ‘Homo erectus’ baaritaankooda laga helay 1991kii tijaabo lagu sameeyay dalka 1991 magaalada Dmanisi, ee dalkaasi Georgia.

READ MORE:  DAAWO:Turkiga Oo Sheegay in ay Hayaan Muqaal Iyo Cod Cadayna In La Dilay Wariye Jamaal "Miinshaar ayaa lagu jarjary Jirkiisa, Lafahiisana Boorso Lagu Ritay?

UNESCO ayaa sidoo kale sheegtay in goobaha ay dhex ceegaagto ‘Beeyada’, isla amrkaasina qani ku ah xayawaanaadka naasleyda, iyo xamaaratada boocleyaasha iyo sidoo kale iyadoo weli laga heli karo haraadiga dheecaannadii iyo raadadkii quruumihii hore.

“Qaabka dhulka iyo dabagalka dabeecaddii waayo hore jiri jirey ayaa waxaa ay door weyn u tahay taariikhda maanta jirta” ayaa lagu yiri warbixinta.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintan oo aynu soo koobnay, waxaa la sheegay in khatartu ay degaankani uga imaaneyso dhanka Itoobiya oo dhisme ku wada isla markaasina shideysa matoorrada korontada laga dhaliyo ee webiga Omo River, webigaas oo “biyo xilliyeed” siiya Harada Turkana.

Webiga Omo ayaa haddii Itoobiya biyaha ka jiidato waxaa imaan doona musiibo ku dhacda harada Turkana, sida warbixintu sheegtay.

Dad badan ayaa ka cabsi qaba in haddii mashaariicda ku socota webiga Omo River ay sii socdaan in ay sababi doonaan in biyaha Harada Turkana ay is-dhimaan isla markaasina ay qalasho Harada Turkana,tani oo ka tarjumieysa musiibo dhanka degaanka ah sida horeba loo arkay baddii la oran jirey Aral Sea, ee batamaha Eeshiya ee qalashay, kadib markii webiyadii waraabin jirey loo leexiyay beero waraabin.

READ MORE:  Xog muhiim ah:"Hadalkii R/wasaaraha Itoobiya Ee mideynta 2da dal+Sidee bulshadu uga falcelisay?"

Khatarta Gibe Dam uu Ku keenayo biyaha wadanka Kenya ayaa ah in uu fuuqsanayo biyaha ‘Harada Turkana’ isla markaasina ay Itoobiya biyaha ku waraabsaneyso beeraheeda iyo dadkeeda. Hey’adda UNESCO ayaa ka hor timid dhismaha Dhaam-ka weyn ee biyo celiyeenka Gibe III dam, kaasi oo ah midka horumarka badan qaaradda Afrika lana dhisay dhammaadkii sanadkii 2016-kii, Gibre Dam ayaa dhulka hoos ugu qodan yahay ilaa 243 mitir (800 feet), waxaa sidoo kale uu biyo-xireenani waraabiyaa beeeraha Qasabka ee wadankaasi Itoobiya.

Gilgel Gibe III Dam, Ethiopia

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO Somaliland oo ka carootay RUQSADII la siiyey Maraakiibta Shiineyska Iyo Shiinaha Oo Kalluunka ka Iibinaya Kenya?
- Dec 12, 2018
Afrikada, Hargeysa: Kadib markii dowladda Soomaaliya ay ruqsad siisay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ...
Hogaamiyeyaasha Isbedelka Waqtiga dartiis loogu kacsan yahay Caalamka AKHRISO!!!
- Dec 12, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli kala guur ah oo dowlad kasta ay soo bandhigeyso wixii ay ...
DHAGEYSO: Xildhibaanadii Mooshinka keenay Amar ku bixiyey in Farmaajo uusan dalka ka bixi karin?
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa goor dhow soo saaray ...
Gudoomiye Mursal Oo gurigiisa laga jaray Korontada, Biyaha iyo Cuntada?
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal ayaa go'aan ku gaaray in uu ...
Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Oo loo Ogolaaday In ay la Kulmaan Gudoomiye Mursal
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaliya ee iyagu hogaaminaya aqlabiyadda inta badan ee ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->