Subscribe

DEG DEG:Al-Shabaab Oo Qarax Ku Gooyey Buundada Qoryooley

Afrikada, Qoryooley: Kooxaha mintidiinta Al-Shabaab ayaa xirtay difaacyada ka yaalla Koonfurta Soomaaliya waxaana wararku caawa ay sheegayaan in ay gooyeen dhammaanba buundada mari jirtey kanaalka webiga ee loo yaqaan Kanaalka ‘Biromo Suguntaar’ ee degmada Qoryooley taasi oo isku xiri jirtey Jubbooyinka iyo gobolka Shabeellada Hoose.

Wararku waxa ay sheegayaan in Shabaab ay miinooyin ku xirtay buundada iyadoo qarax weyn ku fuliyey buundada taasi oo gebi ahaanba dhulka la sintay buundadaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Shabeellooyinka ayaa sheegay in Al-Shabaab isku dayeen in ay buundadaas bur buriyaan balse ciidamada dowladda ka hortageen, waxaase ay si toos ah u qarxiyeen caawa oo ay fursad u heleen.

Buundada Qoryooley ayaa guud ahaanba burburtay caawa waxaana tani ay keenaysaa in uu go’o isku socodki tuulooyinka iyo degmada Qoryooley.

Degmada Qoryooley ayaa ah meel Al-shabaab ay maleeshiyaadkeedu aad uga dagaalamaan waxaana sanadihii ugu dambeeyay ka soconayey dagaallo aan waxba la iskula harin oo ay isaga hor imaanayeen dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

READ  Xoogga Dalka: "Axmed Madoobe ayaa ka dambeeyay Guuldarradii ku Dhacday Ciidanka Dowladeenna"

SAWIRRO:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Dowladda Oo Ciidamo Wata Gaadiidka Dagaalka U Dirtay Gobolka Shabeellada Dhexe
- Aug 16, 2018
Afrikada, Shabeellooyinka:   Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo Xooggan iyo Dabaabaadka Dagaalka u daabushay ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 15/08/2018
- Aug 16, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
%d bloggers like this: