DAAWO:Ciidammada Kanada Oo Sugaya amniga Shimbir iyo Buulkeed..!! | Afrikada

DAAWO:Ciidammada Kanada Oo Sugaya amniga Shimbir iyo Buulkeed..!!

Xaflad aad u weyn oo muusiga iyo madadaalada ah oo lagu qaban lahaa magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa dib loo dhigay, kadib markii halkii laga taagi lahaa masraxa ay ukumo ku dhashay shimbir.

Sida uu qabo qaanuunka dalka Canada, waxaa loo baahanyahay ruqsad ama ogolaansho dowladda federaalka laga helo, ka hor inta aanan meesha laga kaxeynin shimbirta.

Waxaa kale oo shardi ah in qof qabiir ah oo Shimbiraha la macaamili kara, kana taxadari kara in aysan ukumaha ka jabin lasoo kireysto marka la qaadayo shimbirta iyo buulkeeda. Munaasabadda ayaa bilaabanaysa 5-ta bishan July, balse waxaa dib looga dhacay xilligii dhismaha la bilaabi lahaa ugu yaraan labo maalmood si loosoo helo ruqsadda.

Ukumaha iyo buulka ayaa waxaa la dhigayaa goob xeendaaban oo garoonka ka dambeysa, meel fogna lama geyn doono si aysan u mal wareerin shimbirta. Noocan shimbirka oo afka qalaad lagu yiraahdo Killdeer ayaanan ka mid ahayn kuwa sii dabar go’aya, balse waxaa lagu illaaliyay shuruucda federaalka ee Canada iyo Maraykankaba, waxayna ka mid yihiin shimbiraha u kala goosha deegaanada kala duwan.


Buulka ayaa waxaa lagu xeendaabay xarig jaale ah, waxaana dusha ka waardiyaynaya illaalo ay dowladda u xil saartay. “Waxaan oran karaa, waa caqabadii ugu weyneyd ee nasoo wajahday, balse waan xalin karnaa” ayuu yiri Mark Monahan oo ah agaasimaha mehrajaankan oo ay sanad kasta ka qeybgalaan kumanaan kun oo qof.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->