DAAWO SAWIRADA:Shirka Madasha Wasaaradaha Dastuurka oo ka furmay Muqdisho

Afrikada, Muqdisho: Shirka Madasha shanaad ee ay ku mideysanyihiin Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo looga doodi doono qodobo badan ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka oo socon doona muddo labo maalin ah ayaa Wasaaradaha iyo Gobolka Banaadir ku soo bandhigi doonaan horumarka seddexdii bilood ee la soo dhaafay laga sameeyay arrimaha dib-u-eegista Dastuurka iyo howlaha hortabinta leh bilooyinka soo socoda ee la qaban doono.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS Mudane Dr Xuseen Cabdi Cilmi oo furay shirka ayaa ka hadlay ujeeddada shirka.

“Waxaan marka hore Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir uga mahadcelinayaa sida wanaagsan ee ay Shirka Madasha uga soo qaybgaleen, shirkan shanaad ee madashan aan ku mideysannahay waxuu inoo leeyahay muhiimad gaar ah maadaama aan xog ku kala qaadaneyno si wadajir ahna aan uga heshiineyno waxa aan qaban doonno inaga oo si mideysan ugu soo guuleysanay qabashada Shir-weynihii Qaran ee Dastuurka” ayuu yiri Wasiir Ku-Xigeenka.

READ MORE:  DEG DEG: Puntland Oo Weerar ku qaaday Laas-Caanood

Ugu dambayn, shirkan ayaa la soo xiri doonaa beri waxaana Madasha ka soo bixi doona War-murtiyeed.

SAWIRADA SHIRKA:

Axmed Madoobe: “Madaxweyne Farmaajo Waa Argagixiso” WARXIBIN XASAASI AH.
- Sep 18, 2018
Afrikada, Kismaayo: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka ...
DHAGEYSO:Nin la dilay iyadoo ay fiirsanayaan BOOLISKA Degmada Kaaraan
- Sep 18, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ayaa sheegaya in la dilay mid ...
DHAGEYSO:Ma jiro Hal Xildhibaan Oo ka hadlay XAALADDA Degaankii laga soo Doortay ?
- Sep 18, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa isa soo taraya xuuraansiga sida ay u hadleen xubnihii baarlamaanka federaalka. Dhammaan ...
DHAGEYSO:Khudbadihii QIIRADA LAHAA Ee looga Bartay R/W KHEYRE, “Ma Aqbaleyno Damaca Dowlad Goboleedyada?”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Ra'iisul wasaaraha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ...
DHAGEYSO: C/raxmaan Yariisow Oo Si Xun U Calaacalay, “Dowlad Goboleedyadow Waa Idin Baryeynaa Ee sida ka Daaya..?”
- Sep 17, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Yariisow oo ka mid ah Guddiga ...
%d bloggers like this: