DAAWO SAWIRADA: Al-Shabaab Oo Soo dirtay Raggii Hoteellada Geli lahaa.. Xasbuna Allaah+ Ilaahow Magantaa!!

Afrikada, Kismaayo: Wararka inaga soo gaaraya sirdoonka Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo lagu soo bandhigay 12 dhallinyaro oo ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabadsugida Jubbaland oo ku sugnaa Goobta raggaasi lagu soo bandhigayey ayaa waxa ay sheegeen in ay Ciidamada isku-soo dhiibaan 12 kaas ruux ee dhalinyarada u badan kadib culeysyo badan oo a kaga yimid ciidamada xoogga dalka iyo ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaa isa soo taraya shakiga iyo cabsida bulshadu ka qabto. Ma jiraan meelo u gaar ah oo raggani lagu baari doono ama dhaqan celin loogu sameyn doono.

Dadka qaar ayaa aaminsan in raggani ay dardaaran wataan una diyaarsan yihiin inay dhin geystaan.

Waxaa is-dhiibitaan la oran karaa xilli ay xabaddu socoto oo dagaalyahanku naftiisa u baqi karo kadibna gacnaha kor u taago oo qofku noqdo (PoW).

Goorma ayeynu aragnay rag diyaarsan oo iyagoo unug ciidan lagu soo daabulo magaalooyinka waaweyn iyada oo la leeyahay ‘waa isa soo dhiibeen.’

Si kastaba, raggani ayaa u muuqda kuwo tababaran oo sirtooda hoose aan la garan karin, waxaana ay u muuqdaan in aan bulshada lagu sii dhex dayn karin.

Xilli beryahan laga nastay musiibooyinkoodii waaweynaa ayaa waxa Shabaab ay qaban qaabinayaan in ay weerarada halkooda ka sii wadaan iyagoo aan ka maarmin in ay dad tababaran oo kumaandoos ah magaalooynka soo geliyaan.

Wiilashani indhahooda kama muuqato wax  jixin jix ah waxaana isdhiibitaanku uu u yahay xeel dagaal oo ay argagax kaga dhex bilaabi doonaan bulshada lagu dhex deyn doono.

Raggani waxa ay ka yimaadeen tababar dhammeystiran oo fresh ah umana eka dad daallan oo bani’ aadanimo u soo goostay, waxaana ay si toos ah iyo dadbanba u geysan karaan dilalka qorsheysan iyo xirista bombaanooyinka khatarta ah.

Wey isku kalsoon yihiin haddii sirdoonku cafin waayo waayo waa mintidiin aan naftooda u baqeynin oo lagu kadsoomayo.

Khubarada ayaa sheegaysa in ay ku yimaadaan qaab connection ama xiriirin ah iyadoo dadka keenay ay yihiin dad u fadhiya magaalooyi ka (terror harbouring) isla markaasna u gooshiya halka ay doonayaan in ay gaaraan.

Dufcadihii hore sanado badan kahor is a soon dhibay ayaa waxaa ay ugu jiraan ciidammada maamul goboleedyada iyo xitaa kuwa dowladd dhexe, kuwaasi ayaana ah saraakiisha connection-ka sameynaya oo howlaha argagixisada isku duba ridaya.

12kani ruux ee kumaandoosta ah waxaa ay intooda badan ka yimaadeen deegaanada xiisadaha dagaal ka taagan yihiin ee kala ah Baar-sanguuni iyo Cabdalla Biroole, tani oo muujneysa in ay aad u careysan yihiin.

ISHAA KUU MACALLIN AH:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (1)

  1. […] DAAWO SAWIRADA: Al-Shabaab Oo Soo dirtay Raggii Hoteellada Geli lahaa.. Xasbuna Allaah+ Ilaahow Maga… […]




DAAWO SAWIRADA: Al-Shabaab Oo Hadiyad Gudoonsiisay Oday Dhaqameedyo, mideysayna Qabaa’il dega meelaha ay ka taliyaan?
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wararka inaga soo gaaraya gobollada Baay iyo Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ...
Wasiir C/risaaq: “Dowladdu Ma Gaarsiisna Heerkii La rabey, Waa Sii baaba’aynaa Ee aan Wada hadal la galno Al-Shabaab..?”
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed hadana ah mudane ka ...
Shacabka Muqdisho Oo dareemaya In aysan iyagu laheyn “Dhulka ay u Dhasheen” Maxaa ka maqan Reer Muqdisho Oo ay u Degi la’yihiin???
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dadka reer Muqdisho oo lagu tilmaamo in ay yihiin "madaxii wadanka" ayaa ...
AKHRISO: Midowga Yurub Oo DegDeg U Bixiyeen Lacago intuusan Shirka Brussels ku bilaabmin
- Jul 16, 2018
Afrikada, Brussels: Waxaa Midowga Yurub ay khasnadahooda ka soo faqeen malaayiin doolar oo laga ...
DAAWO: Hal Arrin Oo ay Al-Shabaab Si Xun Uga Naxeen Oo Muqdisho Ka Dhacday
- Jul 16, 2018
Afrikada, Muqdisho: Hal arrin oo cabsi galisay dad badan ayaa ka dhacday Muqdisho. Waxaana ...
%d bloggers like this: