Al-Fanaan Axmed Naaji Sacad Oo lagu soo dhoweeyay Toronto, Kanada. (SAWIRRO)

Wadanka Kanada waxaa lagu soo dhoweeyay fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Axmed Naaji Sacad. Fanaanka ayaa ka degay magaalada Toronto ee dalka Canada, isagoo halkaasi ka helay soo dhoweyn heer sare ah.

Ujeedada safarka Al-Fanaan Axmed Naaji Sacad ayaa ah sidii uu u saari lahaa ugana qeyb geli lahaa munaasabadda 1-da Luulyo ee Soomaalida dalkaasi Kanada.

Munaasabadda Calan-Saarka ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo baarlamaanka gobolka Ontario, hase ahaatee waxaa calan saarka hore u qaabilsanaan jirey Hooyadii Fanka Rabi ha u naxariistee marxuumad Khadiijo Cabdullaahi “Dalays” oo dhowaan geeriyootay.

Fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa mar walba u taagan inay dalkooda u adeegaan, iyadoo la wada ogsoon yahay in ay ka qeybqaateen halganadii kala duwnaa ee Gobonimo doonka Soomaaliyeed.

Safarka Kanada waxaa gegida diyaaradaha ee magaalada Ontario Ustaadka ku soo dhoweeyay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Canada.

Ustaad Axmed Naaji Sacad ayaa ka mid ah fanaaniinta faro ku tiriska ah ee Soomaaliyeed ee sida aadka ah heesaha wadaniyadda ah ugu qaada dadka Soomaaliyeed.

SAWIRADA:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Oromada Oo hareeraysay 200 Qof Soomaali ah+Soomaalida Oo U Qaxeysa dhanka saldhigyada milleteriga Itoobiya
- Jul 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:  200 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku xayiran degaanka Guji oo ...
AKHRISO: Askari Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Nin shacab ah U dilay Wax ka yar “HAL DOOLAR”
- Jul 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Nin hubeysan oo ku labisnaa dharka ciidamada dowladda ayaa dil ka geystay ...
Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo Wakiilka UN-ka Oo gaaray Gaalkacyo SAWIRRO
- Jul 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:    Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo uu ...
DEG DEG: Wariyeyaasha oo looga yeeray Xarunta Taliska Ciidamada…
- Jul 22, 2018
Afrikada, Garoowe:    Wararka anu ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa ...
DAAWO: Qiso Naxdin iyo Murugo leh: Mayd Nin Nool Dilay Sheeko Cibro Qaadasho leh
- Jul 22, 2018
QISO: Dhacdadani waxay ka dhacday degaanka Janaale ee Soomaaliya, nin wargaleen ah oo dhawr ...
%d bloggers like this: