AKHRISO:Dowladda Soomaaliya Oo ku rafaadsan Sidii ay AMISOM ugala Wareegi laheyd Xeryaha Milleteriga | Afrikada

AKHRISO:Dowladda Soomaaliya Oo ku rafaadsan Sidii ay AMISOM ugala Wareegi laheyd Xeryaha Milleteriga

Afrikada, Muqdisho: Dowladda madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa aad ugu jihaadeysa in ay mid mid ula wareegto xeryaha ciidammada milleteriga ah ee daafaha Koonfurta dalka Soomaaliya.

Ciidammada Afrika ee u hiilinaya dowladnimada dalka Soomaaliya ayaa iyagu qarka u saaran in ay ka baxaan dalka Soomaaliya laakiin intaasi ka hor waxaa laga doonayaa in ciidammada Soomaalida looga soo tago dhammaan xeryaha ciidammada ee kuwooda ugu khatarta badan ee goboolada dalka ku yaal.

Mar uu hadlay agaasimaha Wasaarada Gashaandhiga Soomaaliya Dr. Sokorow Jaamac waxaa uu sharaxay, in Soomaaliya ay horay u socoto, ay ku xiran tahay in ciidamada Soomaaliya ay si kalsooni ah ula wareegaan amniga dalkooda, markaas oo uu sheegay in Soomaaliyana ay gaari karto isku filnaan.

Dr. Sonkorow Jaamac ayaa sheegay in isbitaallo laga hirgelin doono jiidaha hore ee dagaalladu ka soconayaan, waxaana agaasimuhu uu tilmaamay in ciidanku u baahan yahay in ay degaan meelaha ay ka howlgalaan oo ay ku xasilaan si ay cadowga si tayo leh ula dagaalamaan.

READ MORE:  SAWIRO NAXDIN LEH: Gaari Aroos galbinayay oo lagu rasaasadeeyay Muqdisho, Dhimasho iyo dhaawac jira?

Waxa uuna ugu baaqay in shacabka ay si dhaw ula shaqeeyaa Ciidanka islmarkaana ay u garab istaagaan sidii ay ku noqon lahaayeen kuwa hora u socda.

Dr. Sonkorow ayaa tilmaamay in ay ku filan yihiin baahiyaha maalinlaha ah ee ay qabaan Ciidanka, waxa uuna sheegay in daawooyin, qalab caafimaad iyo dhakhaatiirba ay u dhameystiran yihiin.

Hogaanka sare ee AMISOM, ayaa horay u sheegay in ay bilaabayaan in ciidamadooda ay kala baxaan Soomaaliya sanadkan 2018 gudihiisa, walow hadba Mareykanka iyo dowladaha waaweyn ay dib u dhigayaan iyadoo sheegaya in dowladdu weli laheyn kalsoon cudud milleteri.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa hadda ku tiirsan ciidamo ka socda Midowga Africa oo gaaraya 22 kun oo askari oo heegan u ah sidii ay u difaaci lahaayeen dowladda dalka. Madaxda Soomaalida ayaan iyagu u heelaneyn in ay dowladnimada si fiican uga fekeraan waxaana soconeysa “Hantara-Baqashnimo” laga dareemayo madaxda gobollada iyagoo abaabulaya dagaallo sokeeye halkii cadowga dowladnimada meel looga soo jeesan lahaa.

Ciidanka Afrikaanka ah ayaa iyagoo aad u yar hadana tayadoodu aad u fiican tahay walow aysan ku filneyn wadanka Soomaaliya oo dhan. Dowladaha Afrikada ayaa iygau waxa ay diideen inay ciidan xoog badan u soo diraan dalka Soomaalida.

READ MORE:  DEG DEG: R/Wasaare Kheyre Oo xilka ka Qaaday Wasiir..?

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Xulka Itoobiya Oo 4-0 ku dhuftay xulka Qaranka Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is ...
Dalka Eritrea oo maanta cunaqabateynta hubka laga qaadayo iyo Soomaaliya oo sanad siyaado ah loogu darayo
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada ...
UN Monitoring Group: “Dowladda Soomaaliya ma xakameyn karto hubkeeda, suuqyada ayaa lagu iibiyaa” WARBIXIN SANADEED.
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Warbixin dheer oo ay soo saareen Kooxda Qaramada Midoobey la socodka Cunaqabateynta ...
DHAGEYSO: Wasaarado Beeniyay in koronto laga goostay+Horta Isweydii Dowladdu ma bixisaa adeeg Koronto, Annagaa is deberna iwm?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Iyadoo laga jawaabayo koronto la'aan maanta laga soo weriyey wasaarado badan ...
DHAGEYSO Xildhibaan Cosoble: “M/weyne Farmaajo lacagtii dalka waa uu aruursaday, meel uu u wadana la garan maayo?
- Nov 13, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya baarlamaanka federaalka ayaa sheegaya in uu qeylo dhaamiyey ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->