Nin Liibiyaan ah Oo lagu xukumay 22 sano oo xarig ah | Afrikada

Nin Liibiyaan ah Oo lagu xukumay 22 sano oo xarig ah

Nin Liibiyaan ah ayaa lagu xukumay 22 sano oo xarig ah kadib markii lagu qaaday dacwad la xiriirta weerar sanado ka hor lagu dilay safiirkii Mareykanka ee Liibiya.

Magaalada Benghazi ayaa weearaku ka dhacay. Ninkaasi ayaa lagu magacaabaa Axmed Abu Khattala waxaana lagu xukumay magaalada Washington maalinimadii Arbacadii waxaana si gaar ah loogu heystaa door weyn ka ciyaaray weerarkaas.

Gaar ahaan weerarkaasi ayaa lagu qaaday qunsuliyadii Mareykanka ee Benghazi sanadkii 2012. Waxaa safiirka ka sokow halkaasi ku geeriyooday saddex qof oo kale oo ka shaqeynaayay qunsuliyadaasi. Maalintii 11aad ee bishii 9aad ee sanadkii 2012 ayaa weerarku dhacay.

Safiirka la dilay ayaa magaciisu ahaa Christopher Stevens. Waxaa waxyaabaha dacwada ku xusan kujira in asaga iyo jabhad uu la jiray ay dhaawac u geysateen hanti ay leedahay dawlada Mareykanka oo taalay qunsuliyada.

Muran xooggan ayaa ka dhashay dilka safiirka kadib markii dawladii waagaa oo Hillary Clinton ay ka ahayd xoghayaha amuuraha dibada ee Mareykanka lagu eedeeyay inay difaaci weyday diblomaasiyiintii dalkaasi u joogay.

READ MORE:  Ivanka Trump Oo Wax ka Sheegtay Doorashadii lhaan Cumar "Ilhaan Waxa ay xijaab ku Daboolataa Madaxa iyo arrimo kale...!"

Khattala ayaa gacanta lagu soo dhigay sanadkii 2014 waxaana soo qabtay ciidamada Mareykanka. Intaasi kadib waxaa lagu xiray markab gudihii muddo asbuuc ah kahor intii aan loo gudbin Mareykanka.

SAWIRKA NINKA LA XUKUMAY:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO Somaliland oo ka carootay RUQSADII la siiyey Maraakiibta Shiineyska Iyo Shiinaha Oo Kalluunka ka Iibinaya Kenya?
- Dec 12, 2018
Afrikada, Hargeysa: Kadib markii dowladda Soomaaliya ay ruqsad siisay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ...
Hogaamiyeyaasha Isbedelka Waqtiga dartiis loogu kacsan yahay Caalamka AKHRISO!!!
- Dec 12, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli kala guur ah oo dowlad kasta ay soo bandhigeyso wixii ay ...
DHAGEYSO: Xildhibaanadii Mooshinka keenay Amar ku bixiyey in Farmaajo uusan dalka ka bixi karin?
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa goor dhow soo saaray ...
Gudoomiye Mursal Oo gurigiisa laga jaray Korontada, Biyaha iyo Cuntada?
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal ayaa go'aan ku gaaray in uu ...
Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Oo loo Ogolaaday In ay la Kulmaan Gudoomiye Mursal
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaliya ee iyagu hogaaminaya aqlabiyadda inta badan ee ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->