Madaxweyne Gaas oo Isku Shaandheyn deg deg ah Ku Sameeyay Wasaaradaha Puntland

Afrikada, Garoowe: Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ka soo saaray wareegto isku shaandhayn Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo.

Xeer Madaxweyne Lr.74 ee June 27 2018 kuna saabsan isku shaandhayn Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo.

Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda shaqo.

Markuu latashaday: Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Markuu Tixgeliyey: baahida loo qabo habsami usocodka hawlaha wasaaraddaha.

Wuxuu Xeeriyey:

Waxaa Axmed Cali Shire (Kayse) oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka.

Waxaa Ibraahim Xareed Cali oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

Waxaa Aadan Caabi Samatar oo ahaa Agaasimaha waaxda Horumarinta Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha.

Waxaa Cabdirxmaan Maxamed Jaamac oo ahaa Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha loo magacaabay Agaasimaha waaxda Horumarinta Xoolaha.

Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo madaxweynuhu laga sii daayo warfaafinta.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Weriye Yoonis Cali Nuur Oo ku geeriyooday London
- Jul 20, 2018
Afrikada, London: Wariye Yonis Cali Nuur oo muddo ku dhaw 30 sano u ...
DAAWO: Taliyihii Ciidammada Somaliland Oo U Gacan Galay Ciidammada dowladda Puntland
- Jul 20, 2018
Afrikada, Garoowe: Wararka ka imaanaya degaanka TUKARAQ ayaa sheegaya in jiidaha hore lagu arkay ...
DEG DEG: Axmed Madoobe Oo laga celiyay gegida diyaaradaha Stocholm+Dowladda SWEDEN oo tiri ‘MAYA Axmed Dib Nooga Noqo’
- Jul 20, 2018
Afrikada, Europe:  Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa la sheegay in dib looga ...
Kooxda Al-shabaab Oo Afduubteen Guddoomiyaal Degmo iyo Wiilal ay dhaleen
- Jul 19, 2018
Afrikada, Muqdisho: Degaano ka tirsan Gobolka Gedo waxaa ka dhacday in Kooxda Al-shabaab ay ...
M/weyne C/weli Gaas Oo Dhaliilay Qaabka loo Wajahayo Wada-hadalada Soomaaliya Iyo Somaliland.
- Jul 19, 2018
Afrikada, Garowe:  Madaxweynaha dowladda Puntland mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaliilay hanaanka loo ...
%d bloggers like this: