Gabar Soomaali ah Oo Nashiidada Ugu luuqeysa Kooxda Daacish Oo lagu Xiray Australia SAWIRO
Waxaa meel kasta lagu ceebeeyay gabar Soomaali ah oo la sheegay in ay heesaha ama nashiidada afka Carabiga ugu luuqeyn jirtey Kooxda Daacish ama ISIS, waxa sidoo ay ka mid aheyd Daacishta ku nool Koonfurta Australia.
Dowlada Australia ayaa sheegtay in Haweeneydaasi lagu magacaabo Zaynab C/raxmaan Khaliif isla markaana ay kamid tahay ardayda barata Caafimaad.
Dowlada ayaa sheegtay in Haweeneydan oo muddo badan si hoose ula shaqeyn jirtay Daacish lagu qabtay Kambaska Jamaacadda (Tafe) oo ku taalla magaalladda dekadda leh ee Adelaide Tafe ee Koonfurta Australia.
Haweeneydan lagu magacaabo Zaynab C/raxmaan Khaliif oo 23-jir ah waxaa la sheegay inay Kooxda Daacish kula xiriiri jirtey Online, isla markaana ay sheegtay inay daacad u tahay Kooxda Daacish.
Waxa ay sidoo kale Haweeneydan Kooxda u sahashay qorshooyin la doonaayay in lagu weeraro xarumo muhiima oo ay leedahay dowlada, kadib markii ay sawirada xarumahaasi ay la wadaagtay Dacish.
Sidoo kale, Zaynab C/raxmaan Khaliif oo iyadoo 14 jir tegtay dalkaasi waxa kaloo lagu eedeeyey inay ku luuqeyn jirtey Nashiidada ama Heesaha Borobogaandada ee ay Kooxda Daacish ku baahiyaan Internet-ka marka ay gurigeeda joogto, waa sidaay hadalka u dhigeen.
SAWIRADA:
Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com
<