Subscribe

DEG DEG: Itoobiya Oo Si Toos ah U sii deysay Qalbi-dhagax

Afrikada, Addis-Ababa: Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay si toos ah u sii deysay sarkaalka ONLF ka tirsan ee lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

Dowladda Soomaaliya ayaa (Qalbi-Dhagax) 6-dii bishii September 2017-kii ku eedeysay in uu argagixiso yahay, Al-shabaabna uu xiriir la lahaa, sidaasi darteedna ay ugu wareejiyeen dowladda itoobiya.

Ciidamada maamulka Galmudug ayaa 23-kii bishii August 2017 waxa ay howlgal ku soo qabteen C/kariin (Qalbi Dhagax), kadibna Ciidamada nabad sugidda Soomaaliya ayaa waxa ay keeneen magaalada Muqdisho, iyada oo intaasi kadib lagu wareejiyay Itoobiya.

Intaas wixii ka dambeeyay waxaa jiray banaanbaxyo ay sameeyeen ehelada Qalbi-dhagax oo ku doodayay in wiilooda uusan Argagixiso aheyn, lagana been abuurtay.

Sii deynta C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ayaa waxaa ka dambeeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed Ali, oo bilooyin kahor qabtay xilka Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaare Abiy Ahmed Ali uu isbedello sameeyay isaga oo la yimid siyaasad lagu sheegay in ay ku dhisan tahay furfurnaanshiyo, isaga oo ooda ka qaaday kumanaan maxaabiis ah.

READ  Xog muhiim ah:"Hadalkii R/wasaaraha Itoobiya Ee mideynta 2da dal+Sidee bulshadu uga falcelisay?"

Mid ka mid ah ehelada sarkaalkan ayaa sheegay in C/kariin (Qalbi-dhagax) uu hada yahay nin xor ah, oo magaalada meesha uu doono ka mara, wax cabsi ahna aanan qabin.

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Dowladda Oo Ciidamo Wata Gaadiidka Dagaalka U Dirtay Gobolka Shabeellada Dhexe
- Aug 16, 2018
Afrikada, Shabeellooyinka:   Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo Xooggan iyo Dabaabaadka Dagaalka u daabushay ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 15/08/2018
- Aug 16, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
%d bloggers like this: