DEG DEG: Dabley Qof Ku dishay Suuqa Siinaay, Muqdisho.
Afrikada, Muqdisho: Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho waxaa rag hubeysani dil u geysteen nin Dawaarle ah ama Harqaanle ahaa.
Dilka waxaa geystay 2 dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysnaa kuwaasi oo marka hore booqday tegay uu lahaa marxuumka la dilay. Waxa la sheegay in ay isaga dhigeen dad wax iibsanaya kadibna waxa ay qeybta sare ee jirkiisa kala dhaceen rasaas.
Daqiiqado kadib ayaa ninkii waxaa dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka, balse inta aanu la gaarsiin ayuu ku geeriyooday wadada, raggii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, lama oga danta ay ka lahaayeen ninka marxuumka ah iyo waxa uu ka galabsaday midna.
Magaalada Muqdisho ayaa qofka wax dila aan la qaban karin , sababtoo ah ma jiraan boolis isha ku haya amniga shacabkooda. Dhanka kale waxaanba lala hadli karin cida wax disha oo si kedis ah kugu soo gelaysa.
Waxaa la yaab mudan booliska wadanka Soomaaliya oo noqday kan ugu fiican uguna wax qabad badan adduunka iyadoo aad u jeedo inaysan wax ay tari karaan aysan jirin.
Ciidammada lagu soo tababaro dibadaha ayaa marka ay soo laabtaan qalabka baaritaannada ee la soo siiyo waxa ay ku soo iibsadaan Nairobi. Qalabkaas waxa ka mid ah makiinadaha dembiilayaasha sawiradooda lagu qaado, iyo habka loola dagaalamo dembiyada.
Soomaaliya ma lahan nidaam baaris ah, bataatanba qofkii la dilona in baaris laguma sameeyo, wax dabagal la yiraahdona ma jiraan.
Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com
<